X

Somaliland: Wakiillada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Ee Ay Hore U Diideen

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa si layaab leh ugu codeeyay saddex xubnood oo guddida doorashooyin ah, kuwaas oo ay hore uga waayay gollaha markii la horgeeyay Jun 20th, 2022, iyadoo xilligaa mudanayaashu kalsoonida siiyeen Afar xubnood oo keliya oo ka mid ah toddobada xubnood ee Guddida doorashooyinku ka kooban yihiin.

Saddexda Xubnood ee Guddida doorashooyinka qaranka oo gollaha wakiilladu ansixiyeen, 6 September 2022, Image Araweelo News Network.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi ayaa dib ugu soo celiyay saddexda xubnood gollaha wakiilllada, kuwaas oo saaka la horgeeyay si codka kasloonida loogu weydiiyo, iyadoo sharcigu awood u siinayo in ay diidaan, ama ay ansixiyaan.

Laxidhiidha: Golaha Wakiiladu Ma Bedelayaan Go’aankii Xubnaha Gudida Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif oo guddoominayay fadhigaa oo ay kasoo xaadireen 71 xildhibaan ayaa u  ku wargeliyay xildhibaanada in Madaxweynuhu kusoo celiyay saddexda xubnood ee ay hore u diideen, sidaa awgeed loo baahanyahay in hawlaha doorashooyinka ee yaal awgood la dhamaystiro xubnaha guddida doorashooyinka eek ala dhantaalan.

Guddoomiyaha , ayaa sheegay in saddexda xubnood hore gollaha loogu akhiriyay taariikhdoda waxbarasho iyo hawlihii ay soo qabteen, sidaa awgeed mudanayaashu codkooda ka dhiibtaaan, wuxuuna codka gacan taaga ah u weydiiyay mudanayaasha, isagoo xubin xubin ugu xaadiriyay.

Laxidhiidha: Gollaha Wakiillada Oo Diiday Saddex Xubnood Guddida Doorashooyinka Qaranka

Saddexda  xubnood ee Guddida doorashooyinka Qaranka oo Madaxweyne Bixii, kuwoo celiyay gollaha, ayaa kala ahaa,  Muuse Xasan Yuusuf, waxaana markii codka loo weydiiyay gollaha waxa ogolaaday70  mudane, mana jirin cid diiiday iyo cid ka aamustay guddoomiyuhuna ka codayn.

Axmed Xasan Cismaan, ayaa sidoo kale cod loo weydiiyay gollaha, waxaana ogolaaday 70 xildhibaan, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay guddoomiyuhuna ka codayn.

Axmed Yuusuf Maxamed, waxaa ogolaaday 70 mudane, ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay, guddoomiyuhuna ka codayn.

Sddexda xubnood ee guddida doorashooyinka, ayaa sidaa lagu ansixiyay, kuwaas oo gollaha wakiilladu cod ku hor istaageen markii la horgeeyay Jun 20th, 2022, iyagoo ansixiyay Afarta xubnood  oo keliya toddobada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranku ka kooban yahay.

Codka aqlabiyada weyn ee Gollaha wakiilladu maanta ku ogolaaday saddexda xubnood ee ay hore u diideen, balse Madaxweyne Biixi kusoo celiyay, ayaa noqday mid ay Bulshadu su’aalo iska weydiinayaan, wallow ay muuqatay in saddexda xubnood ay sidaa ku ansixinayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post