X

Somaliland: Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Canbaareeyay Koox Weriyayaal Ah Oo Lagu Xidhay Boorama

Araweelo News Network.

#Somaliland@SOLJA Oo Canbaareeyay Koox Weriyayaal Ah Oo Lagu Xidhay Boorama

Hareysa(ANN)-Ururka Suxufiyiinta #Somaliland ee @SOLJA, ayaa canbaareeyay koox weriyayaal ah oo lagu xidhay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kuwaas oo Boolisku xabsiga u taxaabeen maanta.

Weriyayaasha la xidhay oo ka hawlgeli jiray warbaahinta madaxa-banaan ee dalka, ayaa kala ah, Xuseen Caateeye, Axmed Diiriye Ciiltire, Shucayb Maxamed Kaahin iyo Cabdullaahi Daahir Wacays.

Xadhiga Afarta weriye waxa durbadiiba ka hadlay oo canbaareeyay hoggaanka cusub ee Ururka Suxuyiyiinta Somaliland ee SOLJA ee dhowaan la wareegay xilka.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Sakariye Axmed Muxumed oo ka hadlay xadhiga weriyayaasha ayaa ku tilmaamay mid aan sharciga loo marin, wuxuuna ku baaqay in xorriyadoda loo celiyo weriyayaasha., isla markaana loo maro nidaamka sharciga ee dalka.

Halkan ka  daawo guddoomiyaha SOLJA ee ka hadlaya xadhiga weriyayaasha.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post