Hargeysa(ANN)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyey Fal Askari Booliska ahi kula kacay Wariye iyo Sawir Qaade ka tirsan Telefishanka HCTV oo kala ahaa Wariye Sagal Beeldeeq iyo Sawir Qaade Ridwaan Xuseen.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shebekada Araweelo News Network ayaa waxa uu dhignaa sidan:
“Askari ka tirsan Booliiska Dawladda Hoose waxa uu dhaawacyo wajiga ah ugu gaystay Wariye Sagal, halka uu ka jajabiyey qalabkii ay siteen, isla markaana waxa ay ku xidheen Askartii kale ee la socotay Saldhiga New-hargeysa.
Askariga ayaa labadan wariye ka hor istaagay Barnaamij ay ka duubayeen badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaanu waydiiyey Aqoonsiyadooda markii ay tuseena waxa uu si badheedh ah uga hor istaagay shaqadoodii isagoo awooddiisa u adeegsaday.
Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa 25/2/2019-ka Kamaradii ay ku shaqaynayeen ka qaaday wariye Xamse Xirsi Xayd iyo Sawir qaade Sayid Faarax Burraale oo ka tirsan Telefishanka Barriga Afrika, kuwaas oo war ka duubayey Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo xukun ka soo saartay Dacwaddii Abwaan C/raxmaan Abees.
Isla 25/2/2019, waxay saraakiisha Booliiska Gabilay xabsiga dhigeen Mukhtaar Nuux oo ka tirsan Telefishanka Eeryal, kaasoo aanay illaa hada saraakiisha Booliisku sheegin sababta ay u xidheen wariyahaas.
Labadii bilood ee sanadkan cusub waxa dhacay sideed dhacdo oo kale oo ka dhan ahaa Saxaafadda, kuwaas oo ay qaarkood Booliisku qabteen, iyaga oo aan u marin nidaam sharciga waafaqsan.
Ururka SOLJA, dhacdooyinkan oo dhan waxa uu u arkaa kuwo sharci darro ah oo ka hor imanaya Dastuurka iyo Qawaaniinta u taala Dalka, waxaanay noqdeen dhaqan soo noq noqday oo aanay mar na ba ka waantoobay xukuumaddu.
Ururka SOLJA, waxa uu ka codsanayaa Masuuliyiinta Qaranka inay joojiyaan tacadiyadda ka dhanka ah Saxaafadda, isla markaana ay ka koraan inay maalin walba ku talaabsan falal sumcad xumo ku keenay Hanaanka Xorriyatul-qawl iyo Madax banaanida Saxaafaddeed ee Dalkani leeyahay.
Ururka SOLJA, uma arko xal inay xukuumaddu maalin walba si sharci darro ah u xidho wariyayaasha iyo dadka ixtiraamka mudan, iyadoo u mari karta nidaam cadaaladeed oo aan waxba u dhamayn karaamadda Qaranka.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA