X

Somaliland: Ururka Naafada Oo Deeq U Qaybiyay Xubnaha Ururka Ee Hargeysa

“Lacagtaa Waxa Ugu Deeqay Ururka Shirkadda Telesom, Shirkaddaha Kale ee  Waaweyn iyo Dadka Muxsiniinta Ah, Waxaanu Leenahay Naafadu waydin sugaysaa” Guddoomiyaha Ururka SDHO

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)- Ururka Naafada Somaliland ee loo soo gaabiyo (SDHO), ayaa ugu baaqay Ganacsatada Somaliland iyo dadka muxsiniinta ah inay Bisha barakaysan ee Ramadaan u naxariistaan.

Guddoomiyaha Ururka Naafada (SDHO) Daahir Jaamac Diiriye, oo maanta barxada xafiiskooda ku qaybinayay deeq isugu jirta Baaskiilado, Lacag iyo raashin loogu deeqay dadka Naafada, ayaa  uga mahad celiyay Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom oo ku caawisay $1,500, (kun iyo shan boqol) oo dollar.  sidoo kale wuxuu u mahad celiyay Hay’adda  Live International oo soo gaadhsiisay deeqda Baaskiiladaha.

Guddoomiyaha Ururka Naafada Somaliland (SDHO) Daahir Jaamac Diiriye, oo gacanta ku haya lacagta ay ku caawisay shirkadda Telesom, 26 March 2023, Image Araweelo News Network.

Guddoomiye Daahir, wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland  ugu dartay miisaaniyadda sannadka 2023, qoondo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi ugu daray, isla markaana ay qayb ka mid ah alaabta iyo raashinka ay qaybiyeen maanta laga soo iibiyay wixii loogu daray miisaaniyada qaranka, isagoo ku amaanay Madaxweynaha sida uu xilka weyn isaga saaray dadka naafada ah.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo arrimaha Bulshada Eng. Cali Xoor Xoor, ayuu xusay inay ka mahad sheeganayaan Urur ahaan, balse wuxuu usoo jeediyay Ganacsatada kale iyo dadka muxsiniinta ah inay doorkooda ka muujiyaan sidii loo dabooli lahaa baahida dadka naafada ah.

“Shirkaddaha Somcable, SBI, Dahabshiil iyo kuwa kale sida Dp World waxaanu leenahay dadka naafada ah waydin sugayaan.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Daahir, isagoo xusay inay dadka naafadu u baahan yihiin waxbarasho iyo daryeel sida bulshada kale, sidaa awgeed si naxariis leh loo eego xaaladda ay ku jiraan weliba xilligan bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha, ayaa markaa kaddib u qaybiyay dadka Naafada ee Hargeysa, deeqda iskugu jirta Lacagta cadaanka ah, raashinka iyo qalabka kale ee lagu caawiyay iyo wixii ay kasoo iibiyeen kharashkii ugu jiray Miisaaniyada sida uu sheegay Guddoomiye Daahair, wuxuuna xusay inay naafada gobolada oo dhan gaadhsiin doonaan deeqdaa.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post