X

#Somaliland: Ururka Macalimiinta Ee SOLTA Oo Agaasimay Xuska Maalinta Macalinka

#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Munaasibad ballaadhan oo si weyn loo agaasimay ayaa lagu xusay maalinta Macalinta Aduunka oo ku beegnayd 5 Oct 2023, taas oo sannad walba laga xuso Somaliland, iyadoo ujeeddada laga leeyahay tahay sidii loo muujin lahaa kaalinta macalinku uu macalinku u leeyahay barbaarinta ubadka, cidhibtirka jahliga iyo horumarinta bulshada.

Maalinta Macalinka oo laga xusay Somaliland, 5 Oct 2023, Araweelo News Network.

Munaasibad ballaadhan oo ay soo agaasimeen Ururka Macalimiinta Somaliland ee SOLTA, oo lagu qabtay magalaada Hargeysa; taas oo lagu muujinayo xuska maalinta macalinka aduunka, oo sannad walba wakhtigan oo kale lagu xuso maalinta macalinka Somaliland.

Maalinta Macalinka oo laga xusay Somaliland, 5 Oct 2023, Araweelo News Network.

Madasha oo lagu maamuusayey macalinka Somaliland, waxaa kasoo qayb-galay masuuliyiin kala duwan, xildhibaano, abwaano,  aqoonyahanno, macalimiin iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood qiray ahmiyada maalintan iyo kaalinta uu Macalinku ku leeyahay Bulshada.

 

Waxa sidoo kale lagu soo qaaday munaasibada sidii loo xoojin lahaa nollosha Macalinka iyo daryeelkiisa si uu usoo saaro Arday wanaagsan oo ku hubaysan aqoon, isla markaana wax ka tara dhismaha qaranka iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, waxa xafladu intii ay socotay lagu soo qaaday ahmiyada ay leedahay xoojinta waxbarashadda iyo barbaarinta maadaama macalinku yahay ka soo saaraya jiilal dalka iyo dadka horumar gaadhsiin kara.

Gebagebadii waxa Ururuka Macalimiinta Somaliland ee SOLTA, lagu amaanay qaban qaabada iyo sida ay usoo agaasimeen hawshan, iyadoo halku-dhega lasoo qaatay uu ahaa, “Macalinkeen Allow kaal.”

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post