X
    Categories: Warar

Somaliland: Ururka Dawooyinka Oo Iska Foggeeyay In Aanay Shaqo Lagu Ku Lahayn Dawooyin Hay’adda Dhawrista Tayadu Soo Bandhigtay

Guddoomiyaha Ururka Shirkaddaha ugu waaweyn ee Dalka Somaliland soo geliya dawooyinka (DAWO). Yuusuf Ducaale Bare 10 Janeuary 2019.

Hargeysa(ANN)-Ururka ay ku bahoobeen Shirkaddaha ugu waaweyn ee Dalka Somaliland soo geliya Dawooyinka, ayaa iska foggeeyay Dawooyin aan sax ahayn oo Dalka lasoo geliyay dhowaan, kuwaas oo Hay’adda dhawrista Tayada ee Somaliland soo bandhigtay, kadib markii ay gacanta ku dhigeen.

Guddoomiyaha Ururka Shirkaddaha ugu waaweyn ee Dalka Somaliland soo geliya dawooyinka oo loo soo gaabiyo (DAWO). Yuusuf Ducaale Bare oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in aanay shaqo ku lahayn dawooyinka ay Hay’addu qabatay, Isla markaana shirkadda keentay aanay ahayn mid ka diiwaangashan Ururkooda. Sidaa awgeed aanay shaqo ku lahayn.

Guddoomiyaha Ururka DAWO, Yuusuf Ducaale, wuxuu sheegay inay arrintaa kala hadleen Guddoomiyaha Hay’adda dhawrista Tayada Badeecadaha iyo dawooyinka Somaliland, Isla markaana uu dhinacooda u xaqiijiyay in aanay Ururka DAWO, wax shaqo ah ku lahayn dawooyinkaa oo ahaa Capsule madhan oo aan waxba ku jirin.

Shirka jaraa’id ee Ururka Dawooyinka Somaliland kaga hadleen artintaa Iyo wada shaqaynta ay la leeyiihiin Hay’adda dhawrista Tayada halkan ka Daawo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post