X

Somaliland: Ururada Siyaasadda Ee Ku Bahoobay Daladda Oo Manja Xaabiyay Dedaalkii Soo Jeedinta Ganacsatada

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Ururada Siyaasadda ee dhowaan is diiwaangeliyay, ayaa bayaan kasoo saaray soo jeedinta ganacsatada ee la filayay in ay xal lagu soo afjaro u noqoto khilaafka siyaasadeed ee muddada soo jiitamayay, kaas oo dedaalo hore oo ay galeen Ergooyin iskood isku xilqaamay aannay wax natiijo ah ka keenin.

Hase yeeshee koox ganacsato ah oo toddobaadyadii u danbeeyay ku hawlanaa in xal loo helo khilaafka ragaadiyay Somaliland oo murranka ugu weyni ka taagan yahay doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada siyaasadda iyo tartanka axsaabta qaranka, ayaa soo bandhigay soo jeedin ay sheegeen in ay xal u arkaan, iyagoo ku taliyay in labada doorasho mar la wada qabto si aannay dhaqaalaha dalka dhiig-bax ugu noqon, isla markaana meesha looga saaro murranka laysku mari waayay.

Laxidhiidha: Ganacsatada Ku Jirtay Xalinta Khilaafka Siyaasadda Oo Xalka Ku Middeeyay Doorashooyinka

Soo jeedintaa, ayay sheegeen in gollayaasha sharciga loo gudbinyo si loo waafajiyo sharciga iyo qaanuunka dalka, waxayna soo jeedintoodu noqotay mid ay dadweynuhu u riyaaqeen, iyadoo durba ay xisbiga mucaaradka ah ee UCID, soo dhoweeyeen soo jeedintaa, balse Ururada siyaasadda ee dhowaan is diiwaangeliyay ayaa ganafka ku dhiftay arrintaa.

Qoraal ay maanta soo wada saareen 13 Urur siyaasadeed oo sheegay in ay ku midoobeen dalladda Ururrada is diiwaangeliyay, waxay ku tilmaameen arrinta soo jeedinta ganacsatada mid aan loo baahnayn, iyagoo ku muujiyay qoraalka ay soo saareen oo ku taariikhaysan 27 August 2022, in doorashada tartanka Ururrada lasoo hormariyo, taas oo ah mawqifkii xukuumaddu taagnayd tan iyo markii murranku ka bilaabmay arrimaha doorashada Madaxtooyadda ee ku beegan 13 November 2022.

Halkan ka Akhri qoraalka ay soo saareen 13-ka Urur siyaasadeed.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post