Tirooyinka Xisaabta Ee Taariikhaha Isku Sar Go’an
Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u dabaaldegtay sanad-guuradii 62-aad ee kasoo wareegtay markii u horaysay ee geyiga Soomaalidu degto la saaro calanka xornimada.
62 Sannadood ka hor waxay ahayd xalay oo kale markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Great Britain 26 Jun 1960-kii, waxaana munaasibada xuskaa lagu qabtay qasriga Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa.
Somaliland waxay xoriyadeeda heshay, iyadoo 84 sannadood ku jirtay gacanta Boqortooyadda Midawday, taas oo ku timi heshiis ay Odayaashii iyo waxgaradkii Somaliland la saxeexdeen Boqortooyadii Midawday ee Great Britain, iyadoo hore usoo qabsatay Britain sannadkii 1837, dhulka Yemen ee Koonfurta, gaar ahaan Magaaladda Cadan oo ka mid ahayd Dekeddaha ugu caansan aduunka oo xidhiidh ganacsi ka dhexeeyay ganacsiyadii xilligaa ee Xeebaha yar yar ee Somaliland.
Qabsashadii Magaaladda istiraatiiga ah ee Cadan oo ka mid ahayd dekeddaha ugu caansan dunidda ayaa u sahlay Boqortooyadii Great Britain in 50 sannadood kaddib ay dhanka Somaliland oo dhul ahaan iyo baddan ahaanba ahmiyad weyn oo istiraatiijiyadeed u leh joogitaankooda Cadan uga soo gudbaan oo usoo hanqal qaataan, taas oo sababtay in ugu danbayntii markii ay arkeen qaabkii ay u noolaayeen Bulshada Somaliland xilligaa iyo sida garaadkoodu u sareeyay Odayaasha iyo waxgaradka ay heshiis kusoo gashay Boqortooyadda Britain dhulka Somaliland.
Heshiiska oo ka koobnaa dhawr qodob ayaa ahaa mid ay ka muuqato xadaarad, ilbaxnimo, aqoon iyo garaad sare marka la eego qodobada ay Oadayaasha iyo waxgaradku dhankooda doonayeen in Britain ku timaado dhulkooda, kaas oo ay ku jireen shuruudo adag, waxaana heshiiskaa laga saxeexay Odayaal iyo waxgarad hormood u ah Bulshada oo si isku mid ah looga saxeexay 12 dekedood oo ku yaala xeebaha Somaliland ee kulaalaya Badda Cas oo xilligaa dhammaantood ganacsiyo ka socdeen, isla markaana ay ku xidhnaayeen ganacsiyo xidhiidh la lahaa qaaradaha aduunka.
Dadka taariikhada qora, gaar ahaan kuwo reer galbeedka, ayaa qaarkood heshiiska Boqortooyada Britain iyo Odayaasha Somaliland, waxay barbar dhigaan heshiiskii ay Boqortooyadda Britain la gashay Welishka (Wales), wallow ay labada heshiis xilliyo kala duwan ahaayeen, isla markaana labada Bulsho aad u kala fogaayeen, waxay taariikhyahanadu ku tilmaameen in ay ahaayeen heshiisyo meelaha qaar iskaga mid ahaa oo ay ka muuqatay garaad sare iyo ilbaxnimo siyaasadeed, marka la eego qodobada heshiisyadaa.
Bulshada Somaliland waxay ahaayeen dad ku adag caqiidadooda, qayim iyo hanweyni, isla markaana isku kalsoon oo isu arkayay in dadka Caddaanka ka sareeyaan, taas ayaa meesha ka saartay in qorshihii reer galbeedka ee ay ku doonayeen in ay gumaystaan dadka Somaliland ay meesha ka baxdo, waana ta sababtay in heshiis ilaalin ah oo ay ku caddahay in lahaanshiiyaha dhulka ay iyagu leeyihiin marka ay u baahdaana uu ka baxayo, isla mrkaana aannu awood u lahayn inuu cid kale ku wareejiyo iyo in cid ugu dhalato dhulkooda ay noqdeen qodobada ugu cuslaa ee ay la saxeexdeen.
Hase yeeshee siyaasado hoose iyo isku dayo uu muddadii dhulka Somaliland uu gacanta ku hayay doonayay inuu ku fuliyo si hoose, waxay noqdeen kuwo aan marnaba suurta gelin, taas oo sababta ugu weyn lagu tilmaamo dareenka dadka iyo feejignaantii ka muuqatay.
Heshiiska Somaliland iyo Graet Britain ayaa dhammaaday 84 sannadood kaddib 26 June 1960-kii, iyadoo xilligaa dadka Somaliland dhacdooyin taariikhi ah oo uu sameeyay Ingiriisku ay sii kordhiyeen nacaybka loo qabay, taas oo keentay in dhaqdhaqaayo lagu diidanyahay xukunkiisa oo isa soo tarayay ilaa horaantii 1900, isla markaana sii xoogaystay soddoneeyadii ilaa kontonaadkii oo ay hormood u ahaayeen halgamadii ay hirmoodka u ahayd NUF iyo SNL oo xilli danbe kontonaadkii kusoo biirtay, waxayna gobonimadoonkaa ugu danbayntii ku guulaysteen xilligii dabayshii xorinimada ee Afrika bilaabantay, iyadoo Somaliland xoriyadeeda heshay 26 Jun 1960, isla markaana noqtay dalalkii xorriyadda qaatay ee ugu horeeyay Afrikada Madaw ee Gumaysigu qaybsaday.
Hase yeeshee Afar maalmood kaddib waxay Somaliland xornimadeedii geysay shuruud la’aan Koonfurta Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysanayay oo muddo dhawr sannadood ah si gaar ah loo maamulayay, iyadoo weli gacanta ugu sii jirtay gumaysigii faashiista ahaa ee Talyaaniga, isla markaana haldoorkii shacbiga Somaliland ayaa doorka ugu weyn ka qaatay in ay xornimo hesho Koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu haystay, iyadoo Boqortooyadii Ethiopia ku doodaysay in lagu soo daro dhulkaa iyo Talyaaniga oo ku dooday in ay gacanta kusii hayaan Koonfurta Soomaaliya si ay ugu sii jiraan gacanta Gumaysiga, balse Hlagamayaashii dhanka Waqooyiga ee Micheal Mariano iyo Alex Salole oo gacan dhaqaale ka helaya gaancsato Somaliland, ayaa halgan dheer u galay in aannay guulasyan qorsjaja Talyaaniga ee ku waajahan sii haysashada Koonfurta iyo qorshihii Boqor Xayla Zalase ee ahaa in lagu soo daro dhulka Koonfurta Soomaaliya, waxayna ugu danbayntii Sharciyaqaanadii xeel-dheerayaasha ahaa ee Micheal Mariano iyo Alex Salole ku guulaysteen in Koonfurta Somalia hesho xoriyadeeda, iyadoo abaabulka ugu weyn ee kooxdii gobonimadoonka ee dhalinyaradii SYL, tabantaabadooda iyo hagidooda uu lahaa Micheal Mariano oo isagu ka shaqaynayay guddaha dhulka Soomaalida ee gacanta ugu jiray gumaysiga, halka Alex salol uu ka mid ahaa madaxdii ugu saraysay ee ka talinaysay Cadan markii dawladda gacanta ku haysay, balse uu xaalad kasta oo ka jirtay dhulka Soomaalida ka war hayay oo doorkiisa ka qadanayay sidii ay xornimo u heli lahaayeen Koonfurta Somalia.
Somaliland, waxay xorimadeeda iyo madaxbanaanideeda u loogtay si loo helo shantii Soomaaliyeed ee NFD oo Kenya ah, Somalia oo Talyaanigu haystay iyo Djibouti si markaa kaddib loo dhiso Jamhuuriyad Soomaali weyn ah oo ay ku midaysan yihiin shanta Soomaaliyee, balse nasiibdaro himiladaasi waxay noqotay mid ku dhacday god dheer, waxaana Midawgii Somaliland iyo Somalia ka dhalatay dawlad aan la mahadin, iyadoo durbadiiba dadka Somaliland ee jacaylka iyo qiiradu haysay farta dhexda ka qaniineen.
Laxidhiidha: Daawo Munaasibadda Xuska Maalintii Xoriyadda 62 Sannadood Kadib
Sagaal sannadood oo dawladdo rayid ah ay xukunka haysteen, waxa meesha ka baxday rajadii iyo yidiidladii gobonimada marka la qaato la naawilayay, waxaana sagaal sannadood kaddib xukunka la wareegay Millateriga oo inqilaabay dawladdii rayidka ahayd, wallow kacaankii millarerigu dhisay dal iyo dawlad qayim iyo karaamo ku leh fagaarayaasha siyaasada dunida iyo Afrikaba, isla markaana sameeyay horumar iyo yididiilo dhanka dhaqaalaha, Waxbarashadda, caafimaadka, wax-soo-saarka, isla markaana dhisay Millateri ahaan iyo dhaqaale ahaan dalka, balse shan sannadood kaddib wuxuu galay dagaalkii Ethiopia, waxaana bilaabmay dil-dilaac weyn oo dhaliyay in xukunka Millaterigu bilaabo takoor, qabyaalad, Eex iyo in caqiidada uu farageliyo, isagoo taliksii Millateri ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre gaadhay ilaa heer ii farageliyo quraanka kariimka ah oo meesha ka saaro Aayadaha quraanka.
Arrimahaa iyo kuwo kale ayaa sababay in dadkii Somaliland muujiyeen dareen diidmo ah oo kasoo horjeeda ficilada foosha xumaa, waxayna taasi sababtay in si gaar ah uu taliskii u ugaadhsado dadkii kasoo jeeday shacbiga Somaliland, taas oo sababtay in jabhadii hubaysnayd ee SNM dagaal la gasho Taliskii Millateriga oo bilaabay xasuuq, dhac, Boob, Kufsi iyo duudsi.
Halgankaa ay Somaliland kusoo ceshanaysay qaranimadeeda wuxuu ku kacay wax aan la qiyaasi karin oo naf iyo maalba lahaa, wuxuuna qaatay sannado, isla markanaa dhiig baddan ayaa ku daatay, waxayse shacbiga Somaliland 30 sannadood ka dib midnimadii, ku guulaysteen in ay soo ceshadaan dhulkooda, iyadoo Somaliland ku dhawaaqday in ay lasoo noqotay qaranimadeedii iyo madaxbanaanidii ay Somaaliya kula midawday soddon sannadood ka hor.
18-kii May 1991-kii.ayaa lagaga dhawaaqay in Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideedii luntay 26 Jun 1960. Somaliland, waxay noqotay meel nabdoon oo xasiloon, marka loo eego Soomaaliyadii kale, waxayna samaysatay nidama dawladeed oo ku yimaada doorashooyin iyo rabitaanka shacbka, iyadoo aan wax taagero ah ka helin caalamka ayay Somaliland dhowaan Bishii May u dabaaldegtay 31 guuradii kasoo wareegtay markii ay dib ula soo noqtay madaxbanaanideeda 18 May 1991.
Somaliland waxay ku naaloonaysay nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiyada badan oo ay qaadatay, nabadgelyada, xasilloonida iyo doorashooyinka, saddex Madaxweyne ayaa talada si nabad ah kula kala wareegay, iyada oo saddex doorasho golle deegaan ah iyo laba doorasho Baarlamaan ay qabatay, isla markaana xilligan ay qorshaynay doorashada Madaxtooyadda ee la filayo in ay qabsoonto 13 November 2002, iyo in dib loo furo tartanka Ururrada siyaasada oo tobbankii sannadoodba mar la qabto, wallow aannay weli wax aqoonsi ah ka helin caalamka, balse taasi waxba kama beddelin rabitaanka shacbiga ee ah in ay qaraniamdooda iyo jiritaankooda dawladnimo sii adkaystaan oo ku samraan, waxayna Somaliland xilligan u dabaaldegay 62 kadib markii ay xoriyadda ka qaadatay Boqortooyadii Midawday ee Britain 26 Jun 1960, wallow aannay weli wax aqoonsi ah ka helin beesha caalamka.
Xilligan Somaliland, waxay dhex mushaaxaysaa taariikho iksu sarga’an, iyadoo dhowaan xustay 31 sannadood kaddib markii ay dib ula soo noqtay qaraniamdeedii luntay, kaddib markii dhiig baddan ku daatay, isla markaana naf iyo maalba loo huray, waxayna xilligan u dabaaldegay 62 sannadood kaddib markii ay boqortooyadii Britain ka qaadatay gobinimadeeda, iyadoo labada taariikhood ee gobonimada ay ka qaadatay Britain iyo lasoo noqoshada qaranimadeedu noqanyaan kuwo is leeg, kuwaas oo isu geynteedu noqonay sannad-guurada 62aad ee la xusayo sannadkan oo ku beegan 26 jun 2022.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com