X

Somaliland Tiradii Ugu Badnayd Ardayda Oo Imtixaanaadka Shahaadiga U Fadhiistay Iyo Madaxweynaha Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland iyo xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa sheegay in maanta oo ah Sabti 11/6/2022, imtixaankii shahaadiga loo qorsheeyay in ay u fadhiistaan Arday tiradoodu dhan tahay 37,300.

Qaar ka mid Hablaha Ardayda Dugsiyada Laascaanood oo Imtixaanka u diyaar garoobaya, 11 Jun 2022, Image Araweelo News Network

Fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe oo tiradoodu dhantahay 23,000, halka Fasalada  Afraad ee Dugsiyada Sare ay tirada Ardayda u fadhiisnay imtixaanka shahaadiag ah ay dhan yihiin  14,300.  Waxayna tirada isu geynta guud ee dalka oo dhan noqonaysaa Ardayda Imtixaanka u fadhiisnay Fasalada siddeedaad iyo Dugsiyada sare  37, 300, Arday.

Qaar ka mid Wiilasha Ardayda Dugsiyada Laascaanood oo Imtixaanka u diyaar garoobaya, 11 Jun 2022, Image Araweelo News Network

Guud ahaan Imtixaanka ayaa si nabadgelyo ah uga qabsoomay dhamaman gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna noqonayaa Imtixaanku sannadkan kii Ardaydii ugu badnayd u fadhisiteen.

Dhinaca akle,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ardauda u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga guud ahaan gobollada iyo degmooyinka u hanbalyeeyay.

Isu-duwaha Waxbarashada Gobolka Sanaag Axmed Shire Maaxamed oo Arfayda Imtixaanka u fadhiisatay dhexmaraya, 11 Jun 2022, Magaalada Ceergabo, Image Araweelo News Network.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu Ardaydaa tirada badan oo ah markii u horaysay ee tiro intaa leegi ay u fadhiisato imtixaanaad shahaadi ah in Allah u fududeeyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu, isagoo u rajeeyay inay guul ka gaadhaan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, isla markaana ku dardaaray in ay halkaa kasii wadaan hayaankooda waxbarasho

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post