X
    Categories: Warar

Somaliland: Tirada COVID-19 Iyo Qorshe Cusub Oo Laga Fulinayo Magaalooyinka Waaweyn

Agaasimaha guud ee Wsaeradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, 28 April 2020, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay tirada rasmiga ah ee caabuqa Coronavirus ee COVID-19, iyo sidoo kale qorshayaal la doonayo laga fuliyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wsaeradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta kula hadlay dhismaha Wasaaradda, ayaa ka war bixiyay xaaladdihii ugu danbeeyay ee caabuqa Coronavirus.

Dr. Xergeeye, wuxuu sheegay in Illaahay mahadii ay tahay in aan weli kiisas cusub lagu arkin Somaliland, isla markaana ay haayan oo keliya Lixdii Kiis ee hore, “waa Allah maahadii waxaan haynaa Lixdii kiis ee hore weli wax cusub kuma soo biirin, oo weliba saddex ka mid ah kiisaskii ay bogsadeen oo kasoo kabteen, kuwaas oo jawaabtooda maanta naloo keenay.” Ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wsaeradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, wuxuu sheegay in xilligan kiisaska ku jira ilaalintu ay yihiin saddex kiis oo aan lahayn wax calaamaddo ah, halka saddex kiis ka bogsadeen, xanuunkii Coronavirus.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay sameeyaan wasaarad ahaan shaybaadh, kaas oo lagu sameeyo dadka looga shakiyo xannuunka, wuxuuna xusay inay baadhitaano ku sameeyeen ilaa 191 qof, kuwaas oo sida uu sheegay aannay ku jirin dadka maalin walaba soo gelaya dalka oo iyaga aan laga qaadin shaybaadh, balse la mariyo qalabka baadhista ee sheegaya xumadda oo keliya.

Wuxuu sheegay in dadkaa oo ah kuwa kasoo gala xudduudaha ay gaadhayaan inta laga hubiyay calaamaddaha xannuunka 1, 213 qof, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Dr. Xergeeye, ayaa xusay in ay weli karantiin ku jiraan 11 qof, halka 4 qof ay shalay dhamaysteen karantiinka, isagoo dhinaca kale sheegay in ay shalay gobolada dalka ka bilaabeen in shaybaadh laga sameeyo meelo kala duwan, si loo hubiyo in xannuunku ku jiro bulshada oo qarsoon yahay iyo in kale, wuxuuna xusay in jawaabaha filayaan in ay toddobaadkan helaan si loogu go’aan qaato.

Agaasimaha ayaa sheegay in gebi aahan dadka Lixda qof ee la hayay ay ahaayeen dhammaantood dad ka yimi dalka dibeddiisa. Sidaa awgeed ay hubinayaan in xannuunku ku dhex jiro bulshada maadaama astaamaha lagu garan karo ay dadka qaarkood noqon karaan kuwo aan muuqan oo qarsoon, kuwaas oo aan lahayn calaamaddaha inta badan lagu garto Coronavirus.

AKHRI: Somaliland Oo Shaacisay Korodhka Tirada Caabuqa COVID-19

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post