X
    Categories: Warar

Somaliland: Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Gaadiidka Iyo Maxaabiista Laga Qabtay Puntland Kadib Weerrar Ay Kusoo Qaadeen Jiida Hore

Araweelo News Network

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland

Tukaraq(ANN)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Taani, ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerraro gardaro ah oo ay ciidanka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland saacadihii u danbeeyay kusoo qaadeen fadhiisinka hore ee Ciidanka Somaliland ee kulaalaya Garoowe.

General Nuux Taani oo galabta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Weerrar gardaro ah shalay lagu soo qaaday ciidanka Qaranka Somalland, Isla markaana ay jawaab deg deg ah ka bixiyeen, wuxuuna xusay in aanay wax Khasaare ah soo gaadhin ciidanka Somaliland, balse dhinaca Malayshiyada Puntland 5 Askari ka dhinteen, halka 3 kale na ka dhaawacmern,, sidaana loo caydhsaday.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Taani, wuxuu sheegay in mar kale, iyadoo geyiga Somaliland laga xusayo munaasibada qiimaha baddan ee maalinta Qaranka 18 May dhawr Jiho laga soo weerarraray maanta, Isla markaana dagaal dhexmaray Ciidanka Qaranka Ssmaliland Iyo Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, wuxuuna sheegay in dhinacooda Khasaare sahlan soo gaadhay, balse ay ka qabteen kuwii soo Weerraray maxaabiis, Lix gaadiidka gaashaaman ah oo mid yahay Taangi, Isla markaana ka gubeen qaar ka mid ah gaadiidka ay wateen oo ay waajibkooda ka guteen.

General Taani, wuxuu sheegay in goobihii ay hore u deganaayeen Puntland ay la wareegeen Ciidanka Qaranka Somaliland kadib dagaal socday dhawr saacadood, wuxuuna ku amaanay guusha ay gaadheen Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo munaasibada maalinta qiimaha baddan ee ay kaga qayb qaateen difaaca dalka Iyo xuska 18 May ee ay gobolada Dalka kaga qaybgaleen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post