X
    Categories: Warar

Somaliland: Taliska Ciidanka Qaranka Oo Ka Hadlay Dagaal Dhirbaaxo Loogu Geystay Malayshiyadda Puntland

Hargeysa(ANN)-Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay dagaal saaka deegaanka Yube ee Bariga Gobolka Sanaag ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malayshiyo dhanka Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland kaga soo duulay deegaankaa.

Ciidanka Qaranka Somaliland oo War-saxaafeed kasoo saaray dagaalka ka dhacay deegaankaa, ayaa sheegay inay dhirbaaxo kulul ku dhufteen Malayshiyadaa, isla markaana ka qabsadeen gaadiid iyo Hub.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland Gashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere) oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxa jira inay Maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 badhasaabka laas-qoray ee Jamhuuriyadda Somaliland
kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda Somaliland.”
, isku dayeena inay dilaan, hase ahatee illaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan .

Saaka abaaro lixdii iyo badhkii (6:30 Am) subaximo, waxay ciidamada Maamulka Puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18km u jira Yubbe, halkaana waxaa isku haleelay ilaaladda hore ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland, halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gaadiid intaba.

Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland doonimaayo dagaal, laakiin haddii laga dayn waayo daandaansiga joogtada ah wuxuu ka gudan doonaa wajibaadkiisa cid kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

CIIDANKA QARANKA GUUL

     Afhayeenka Ciidanka Qaranka JSL 

Gashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdi Dheere)

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post