X
    Categories: Warar

Somaliland: Taageerayaasha KULMIYE Oo Baaxadooda Ku Muujiyay Isu Soo Baxyo Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka Oo Dhan

Araweelo News Network

 

Taageerayaasha KU!MIYE

Hargeysa(ANN)-Taageeraasha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa oo saaka waaberigii Isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee dalka Iyo degmooyinka, ayaa muujiyay taageerada cududooda iyo dareenkooda Shucuurta  Olollaha Doorashada  Madaxtooyadda oo shalay loo fasaxay xisbiyada ololaha kaanbeynka.

 

Taageerayaasha KU!MIYE

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxa subaxnimadii hore hadheeyay sawaxanka Iyo dhawaaqyada taageerayaasha oo wata calamo Iyo istiikaro ay ku sawiran yihiin labada murrashax ee Muuse Biixi Cabdi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Salylici, kuwaas isaga soo baxay daafaha magaalada, Isla markaana Isugu tegey Beerta Xoriyada oo ay kula hadleen Murrashaxa Madaxweynaha ee KUMIYE, Muuse Biixi Cabdi Iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa Sidoo kale kumanaan Isugu soo baxay Magaalada Burco kula hadlay Fagaaraha, kuwaas oo si xamaasad ah Isugu soo baxay saaka waaberigii, Isla markaana hadheeyay shaaracyada Wadooyinka waaweyn ee Burco, iyagoo sita astaamaha calanka KULMIYE , istiikaro waaweyn, boo dhaca ay ku qoran yihiin halkudhegyo, Isla markaana ku lesbian diray ska uu ka samaysay yahay Calanka KULMIYE.

 

Sidoo kale Magaalada Xarunta ah ee Boorama, waxa tagaaerayaasha KU!MIYE oo muujiyay cududooda kala qaybgalay isu soo baxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Isla markaana ah Murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee KUMIYE.

 

Ololaha isu soo baxa Magaalada Berbera, waxa taageerayaasha KULMIYE kala qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad Maxamed Kaahin Kaahin Iyo Masuuliyiin kale, waxaana taageerayaasha Berbera kaga duwanaayeen kuwa magaalooyinka kale, iyagoo Ololaha Iyo isu soo baxooda u talaabiyay dhinaca Badda, iyagoo isticmaalaya gaadiidka Badda.y

Magaalooyinka Laascaanood Iyo Ceergaabo, ayaa Sidoo kale laga sameeyay isu soo baxyo ay taageerayaasha KULMIYE ku muujinayaan cududooda, iyadoo deegaamada kale ee gobolada Sanaaag Iyo Sool laga muujiyay taageerada Xisbiga KULMIYE.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post