X
    Categories: Warar

Somaliland: Sicir-bararka Sarrifka oo Sababay in Albaabada loo Laabo Suuqyada Qaarkood Ganacstada iyo xukuumadda Iyo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Iyo Eedaha Loo Jeediyay Maaliyadda Iyo Bangigga Dhexe

Muuqaalka suuqa sarifka dollarka ee Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa (ANNh- Suuqyada ganacsiga magaalooyinka waawayn ee Somaliland, ayaa badankooda la xidhay shalay kadib markii uu cirka isku shareeray qiimaha sarrifka doollarka marka lagu beddelo lacagta shillinka Somaliland oo hoos-dhac wayni ku yimi.
Sarrifka $1 doollar ayaa qiimaha lagu kala beddelayo lacagta Somaliland gaadhay 9,000 shillin (Sagaal kun), iyadoo arrintaasi saamayn ku yeelatay iibka badeecadaha kala duwan ee quutal-daruurigu ka mid yahay, sidaasi darteedna inta badan ganacsatada suuqyada ku kala yaal magaalooyinka waawayn sida caasimadda Hargeysa, Burco, Berbera iyo qaar kale, ayaa la xidhay galinkii hore ee maanta, kadib markii ay garanwaayeen qiimo ay ku iibiyaan badeecadahooda.
Ganacsato kala duwan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aan loo adkaysan karin heerka uu gaadhay sicir-bararka iyo sarrifka doollarka oo inta badan lagu jaangooyo iibka badeecadaha, waxaanay ugu baaqeen xukuumadda inay wax ka qabato arrintan.
Labada suuq ee ugu waawayn caasimadda Hargeysa ee Waaheen iyo Gobonimo, ayaa inta badan meheradaha ku yaal albaabada loo laabay galinkii hore ee Khamiistii, waxase suuqyada la dhigay ciidammo badan oo boolis ah oo loogu talogalay inay ka hortagaan mudaharaado ay sameeyeen shacabku, isla markaana ciidammadu waxay amrayeen mulkiilayaasha meheradaha ganacsi inay u furaan dukaamadooda si ay wax u iibsadaan, balse inta badan ganacsatadu umay hoggaansamin baaqa booliska marka laga reebo meelo kooban oo awood dib loogu furay.
“Ganacsatadu waxay ka cabanayaan sicir-bararka maciishada iyo doollarka cirka isku shareeray, cabashada ganacsatada ee gaadhay ilaa xad inay xidhaan meheradahoodii waa cabashadii aamusnaanta la odhan jiray oo ah mudaharaadyada ka ugu daran ah.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada xidhay meheradaha suuqa Waaheen, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Dadweynaha waxaan leeyahay is-dejiya, in aanay noqon dad mudaharaada oo dhibaato sameeya, laakiin ay noqdaan dad dareenkoodu gudbo oo waxay ka cabanayaan ee ay xukuumadda u sheeganayaan si fiican u gudubto.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim (Dhoobaale) oo isna shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay, ayaa ka hadlay sababaha keenay sicir-bararka oo uu xusay inay qayb ka tahay xaaladda abaarta daran ee ka taagan waddanka, sidoo kalena waxa uu sheegay in Somaliland caalamka kala simantahay sicir-bararka iyo kor-u-kaca qiimaha lacagta doollarka.
Guddoomiye Dhoobaale oo ka hadlayey sababta sicir-bararka iyo waxa uga meelyaal, waxa uu yidhi, “Waxaynu ognahay in abaar xoog leh ka jirta dalka oo aad u naafaysay dhaqaalihii dalka, waxa kaloo inoo weheliya safar bararkan ka jira adduunka oo isna saamayn leh, ta inoogu adag oo ah xoolaheenii oo la joojiyey iyo waxyaabo badan oo aynu ka keensanno dibadda oo u baahan doollar badan. Xukuumadda iyo Bangiga oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Axmed Maxamed Siilaanyo dadaal badan bay ka galeen oo shirar badan baanu muddooyinkii dambeeyey la lahayn shirkadaha waawayn iyo ganacsatada si loo yareeyo sarrif bararka jira ee ah in aynu lacagteenna kor u qaadno waa laga dareemayaa suuqa labadii maalmood ee u dambeeyey inuu hoos u sii socdo, sidaas darteed, waxay ku talo jirtaa xukuumadda iyo Baanku in hoos loo sii wado, waana la iska kaashanayaa.”
“Ganacsatadana waxaan ugu baaqayaa inay dadkooda u naxariistaan oo ay wax kaga iibiyaan lacagta shillinka Somaliland oo ay qiimaha ugu sheegaan, markaa haddii aynu iska kaashano shacab iyo xukuumad waynu ka baxaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Hase yeeshee qaar Ka mid ah sariflayaasha oo dareenkooda ka sicirbararka ayaa sabab uga dhigay in Xukuumadda Somaliland suuqa kusoo deynay lacag kaash ah oo cusub. Sidoo waxay ku masuuliyada Sarifka Dollarka Dusha u saareen Wasaaradda Maaliyadda Iyo Baanka Dhexe oo ku shuraakoobay qaab xirfad khiyaamo ah oo lagaga Faa,idaysanayo arrimtaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post