Araweelo News Network
Cismaansaxardiid

Hargeysa (ANN)Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay go’aanno iyo shuruudo khuseeya ammaanka, lana xidhiidha dadka ka dhoofa madaarada kala duwan ee Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland Md. Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan oo hadal ka jeediyey tababar dhinaca ammaanka ah loo furay hawlwadeenada kala duwan ee madaarada dalka shalay, ayaa ku dhawaaqay go’aamo hor leh oo ay soo saartay Wasaaradda Duulistu, waxaannu yidhi;
“Dhammaan dalkeena waynu jecelnahay, amnigiisana waynu wada ilaalinaynaa, dadka rakaabka ah ee Madaarka ka dhoofa haddii ay yihiin reer Somaliland, haddii ay yihiin dadka ku nool dalalka Geeska Afrika iyo haddii ay yihiin dadka caalamka inooga imanaya dhammaantood, waxaannu la socodsiinaynaa;
in baadhistii Madaarada Somaliland oo dhan sare loo qaaday
in goobihii wax lagu baadhayey la kordhiyay oo aanu qofka rakaabka ah dhib u dareemin haddii baadhitaanadu ay intii hore ka bataan, waayo xaalada amniga ayaa khasbaysa.
in la ilaaliyo diyaaradda iyo rakaabkeeda. Arrintii ugu dambaysay ee Diyaaraddii Garoonka Muqdisho ka kacday ee la qarxiyey markii ay dhacday, waxaannu soo kordhinay, in aanu joojino dhammaan wixii dareere ah in Diyaaradaha lala raaco, ee ama gacanta lagu qaadan jiray ama Shandadaha lagu ridi jiray. Dareeraha haddii aan fasiro waa biyaha, waa sharaabka, waa subaga, waa muqmada. Waxyaabahaas dareeraha ah waa ka mamnuuc ah in ay ka baxaan Garoomada Somaliland dadka iyo Shirkadahaba waanu u sheegaynaa in aanay ku soo lugo’in.
Sidoo kale Laptop-yada (kombuyuutarada gacanta) mid walba waa la shidayaa, Laptop aan shidmayan cidi garoonka kama dhoofin doonto.
Biraha Baabuurta, Diyaaradaha, Mishiimada ee furfurka ah iyagana waanu joojinay.”

Waxa kaloo Agaasimaha Guud sheegay in tababarka shaqaalaha loo qabtay yahay mid sare loogu qaadayo ammaanka guud ee garoomada diyaaradaha Somaliland, waxaannu yidhi; “Tababarkani waxa uu la mid yahay tababardii hore la idiin siin jiray ee kor loogu qaadi jiray aqoontiina, markii la aasaasayey Shirikadda SRM, ayaa waxa mid ka mid ah khabiirada bixinayey tababaradii ugu horeeyay, waxa ay su’aashiisa 1aad ahayd ee uu waydiinayey Hawlwadeenada Ammaanka, Ma Jeceshahay dalkaaga? Taas oo macnaheedu noqonayo hadaanad dalkaaga jeclayan, shaqada ahmiyad ma siinaysid, oo dhibta iyo daalka uma adkaysanaysid.”
Tababarka loo furay hawlwadeenada ammaanka ee Madaarada Somaliland, ayaa ah mid sare loogu qaadayo xirfadooda, kaasoo ay wadajir u qabteen Shirkadda Ammaanka ee Madaxabannaan ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaa SRM iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland.
Madaxa tababarada ee shirkadda ammaanka SRM marwo Nawaal Axmed Saleeban oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in tababarkan muhiim u yahay shaqaalaha iyo hawlwadeenada kala duwan ee garoomada diyaaradaha Somaliland, waxayna tidhi; “Tababarkan oo ay bixin doonaan khabiiro ku takhasusay ammaanka Madaarada (Aviation Security expert), waxaana uu socon doonaa muddo laba toddobaad ah.”
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com