X
    Categories: Warar

Somaliland: Shirkad Adeegyo Sharci Bixisa Oo Shaacisay Inay Bulshada Dan-yarta Ah Siinayaan Qarreeno Bilaash Ah

Shirkadda Towfiiq Law Firm

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Towfiiq Law Firm oo ka hawl-gasha Magaalada Hargeysa, ayaa ugu bushaareeyey dadweynaha danyarta ah inay u fidinayaan mucaawimooyin dhanka dacwaddaha iyo sharciga ah oo tabaruc ah, sanadkan 2020-ka.

Madaxda Xafiiska Towfiiq Law Firm, Garyaqaan Cigaal Cismaan Xasan Almis oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in talaabadan ay uga gol leeyihiin in ay dadka danyarta ah ee aan awooddin dhaqaalaha baddan ee dacwaddaha Maxkamaddaha dalka ay caawimo lacag la’aan ah u fidinayaan.

Garyaqaan Cigaal, Waxa uu intaasi raaciyay in maalmaha khamiista dadka danyarta ah ay u diyaariyeen qareenno iyo sharci-yaqaano si lacag la’aan ah ugu shaqeeya, kuwaasoo Xafiiska ay ku leeyihiin kasoo hor-jeedka Maxkamadda Gobolka Hargeysa loogu diyaariyey.

“Xafiiska Shirkadda Towfiiq Law Firm, waxa uu ku yaalla agagaarka Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan waxa uu dhinaca Koonfureed kaga qabsan-yahay Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex.” ayuu yidhi, Garyaqaan Cigaal.

Dhinaca kale, maamulaha Shirkadda Towfiiq Law Firm, ayaa sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ee 2019-ka ay bixiyeen in ka baddan 27 Kaalmo sharci oo bilaasha ah, kuwaas oo qarreennadoodu ka qayb-galeen ku dhawaad laba boqol oo dacwadood oo qayb ka ahaa tirada dacwadaha soo galay Xafiiskiisa oo isugu jira Ciqaab iyo Medeni ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post