X
    Categories: Warar

Somaliland: Shirka Mudnaanta Horumarinta Qaranka

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland

Hargaysa(ANN)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay shirweynaha mudnaanaha qorshaha horumarinta qaranka wajigiisii labaad oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland.

Munaasibada shirkaa, waxa kale oo ka soo qayb-galay xubno ka mida golaha wasiiradda xukuumadda Somaliland, ayaa lagu falan-qeeyay sidii sanadkan 2019 loo qorshayn lahaa kala hor-marinta iyo kala mudnaysiinta horumarinta qaranka Somaliland.

Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Mudane Cawaale Ibraahin Shirwac

Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Mudane Cawaale Ibraahin Shirwac oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkani yahay wajigii labaad ee shirwaynaha horumarinta qaranka, isla markaana shirkani lagu muunaynaayo qorshaha 2019 ee cusub waxaana kamid ahaa hadaladii wasiirka “Shirweynahani waa kii labaad ee la qabto mudadii Madaxweyne Muuse Biixi xilka hayay, waa shirweyne aynu kaga tashanayno sidii aynu u qorshaysan lahayn waxa aynu qabanayno 2019-ka ee cusub, waxa aanu doonaynaa inaanu midayno deeqaha caalamku siiyo Somaliland oo gaadhaysa 100 Milyan oo dollar, waxa baryahan la lahaa Somaliland waa laga joojiyay deeqihii lasiin jiray warkaas waxba kama jiraan ugu yaraan 100 Milyan oo deeqo ah ayaa inna soo gaadha”ayuu yidhi Wasiir Cawaale Ibraahin Shirwac.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici) oo munaasibadaasi daah-furay ayaa sheegay in Somaliland ay ku guulaysatay barnaamijka maamul-daa-dajinta ee lagu horumariyo dagmooyinka Somaliland si horumarku u gaadho guud ahaan gayiga Somaliland, shirweynahani uu kaabayo barnaamijkaasi waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Runtii waan soo dhaweynayaa wanaanu inoo furan yahay shirweynahani, inaynu waxqabadkeena kala horaysiinaana waa muhiim, imika waxa aynu ku guulaysanay barnaamijkii maamul-daadajinta degmooyinka oo hawl weyn oo waxtar ah, taasina waxa ay ka turjumaysaa aragtidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post