X

Somaliland: Shirka Gollaha Wasiirrada Iyo Arrimaha Doorashooyinka Ee Murranku Ragaadiyay

Shirka Gollaha wasiirrada Somaliland, 4 May 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa hadashay arrimaah doorashooyinka khilaafku ragaadiyay ee aan si dhab ah loo ogayn xilliga ay dalka ka qabsoomayaan.

 

Fadhiga  Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiistii Maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda ayaa lagu soo qaaday arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha xaaladda amniga dalka.

 

Fadhigaa oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima oo la xidhiidha horumarinta arrimaha Qaranka, ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay shirka kaddib oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Shebekaddaha Araweelo News Network.

 

“Ugu horrayn, waxa uu golluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed oo ka warbixiyay xaaladda guud ee la xidhiidha amniga, isagoo wasiirku xusay inay ku ammaanan yihiin Ciidammada kala duwan ee dalka oo marwalba garab ka hela Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

 

Qoraalka ayaa sidoo lale lagu xusay in goluhu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ka hadlay halka uu marayo qorshaha saddexaad ee horumarinta Qaranka ee (NDP3), oo uu soo gabagaboobay qoraalkiisu kaas oo wax ka tari-doona horumarka dalka.

 

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay in goluhu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Dhulka, Cabdullaahi Abokor Cismaan, isagoo ka warbixiyay diiwaangelinta hantida ma guurtada ah ee Dawladdu halka ay marayso, iyadoo ay in muddo ah iska kaashanayeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, waxaanu goluhu isku raacay dhammaystirka habraaca summadda Hantida Qaranka ee ma guurtida ah. Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay shirkaa kaddib qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaalladda, Saleebaan Warsame Guuleed oo kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Cabdisamad Cumar Maal, ayaa Gollaha u sharraxay wax-ka-beddel iyo kaabis lagu soo sameeyey Xeerka Addeegga Kaalmada Sharci, balse sida lagu sheegay qoraalka golluhu u  ballamay inuu dood ka yeesho shirarka dambe.

 

Qoraalka kasoo baxay shirka gollaha wasiirrada, ayaa lagu sheegay in ugu dambayn, golluhu xusay inay xukuumaddu dhamaystirtay wixii waajibaada ee kaga aaddanaa dhinaca doorashooyinka; sida Ammaanka iyo dhaqaalaha, iyadoo raacaysa qorshaha wakhtiga ay guddida doorashooyinku soo cayimaan ee ay ku qaban karaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka, waxaanay xukuumaddu ku boorrinaysaa dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay si nabada ah doorashooyinka u galaan, ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxat qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyay Shebekaddaha Araweelo News Network, Agaasimaha Waaxda Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL, Naasir Yuusuf Daahir.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post