#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Shirgudoonka Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa qoraal dacwad ah oo la xidhiidha kiiska Xildhibaan Maxamed Abiib u gudbiyay Maxkamadda Sare.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa warbaahinta la hadlay markii ay shirgudoonku qoraalka dacwada ah u gudbiyeen Maxkaamadda Sare, iyadoo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad Siciid Mire Giire.

Guddoomiye Faratoon ayaa sheegay in sababta qoraalka ay ugu gudbiyeen ay tahay, iyadoo gollaha wakiiladu diiday gebi ahaanba xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib 2 Sep  2024, laga qabtay Madaarka Hargeysa, isla markaana  golle ahaan ay si sharci ah u diideen dalabkii xeer Ilaalinta Qaranka ee ahaa in Xasaannada laga xayuubiyo Xildhibaanka.

Gollaha Wakiiladu, waxay maxkamadda u gudbiyeen inay ka jawaabto sharciyada uu ku xidhan yahay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo laba jeer gollaha wakiiladdu diiday dalabkii Xeer Ilaalinta Qaranka ee gollaha lagaga dalbaday in xasaannada laga qaado iyo in loo xalaaleeyo xadhiga, sidaa awgeed Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ayaan dalabka u gudbinay si ay jawaab uga bixiso” ayuu yidhi, Guddoomiye Faratoon.

Muuqaalkan Ka Daawo.

 

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com