X
    Categories: Warar

Somaliland: Shir Saddex-geesood ah oo lagaga Hadlay Doorashada Madaxtooyada

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo sidii doorashada Madaxtooyadu u qabsoomi lahayd waqtiga loo muddeeyey ee 28 March 2017, haddii Ilaahay yidhaah.
Masuuliyiinta Komishanka, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo xubno ka socday dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa kulan muddo dheer qaatay ku yeeshay Xarunta Guddida Doorashooyinka ee caasimadda Hargeysa, iyagoo ka wadahadlay arrimo khuseeya doorashooyinka iyo sidii ay u qabsoomi lahaayeen muddada loo cayimay.
“Shirka aannu isugu nimmi wuxuu ahaa isxaal waraysi, qalabkii oo soo dhammaaday, shaqadii diwaangelinta oo inaga dhammaatay, kala-hufka iyo kala-haadintii oo dhammatay, diyaarna u nahay in aynu daabacno kaadhadhkii, markaa shirku wuxuu ahaa mid muddo qaatay, waxaanna ka soo baxay is afgarad wanaagsan oo saddexda geesoodba ay isku afgarteen in la sii wado shaqadii, isla markaana ay shaqadu sideedii u socoto, doorashaduna aanay waqtigeedii inagu dhaafin, kaadhadhkuna diyaar u noqdaan in aynu qaybino.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo saxaafadda la hadlay markii shirku dhammaaday.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “daabacaadda kaadhadhka codbixiyeyaashu waxay bilaabmaysaa berri (Khamiista maanta), shaqaduna noqonayso labada gelinba, waxaanna subaxii la soo gelayaa 7-da subaxnimo, lagana baxayo marka saacaddu tahay 2-da maalinnimo, kadibna qaybta labaad ee shaqaalaha ayaa hawsha bilaabaya 2-da maalinnimo, kana baxayso 10-ka habeenimo si ay kaadhadhku waqtigoodii inoogu soo wada baxaan, taasna waannu isku afgaranay saddexdayada geesoodba in aannu hawsha halkaas ka sii wadno.”
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen Komishanka Doorashooyinka, Xukuumadda iyo qaadhaan-bixiyeyaashu uu ahaa mid loo baahnaa.
“Komishanku waa hay’adda qaabilsan maamulka doorashooyinka iyo diyaarinta saaxadda oo dhan, waxaanna doorashada ku xidhan dad badan oo daneeyayaal ah oo ka wada shaqeeya, Komishankuna mararka qaar waxa uu u yeedhaa xisbiyada tartamaya oo ah daneeyayaal talada wax ku leh. Mararna waxa uu u yeedhaa oo ay wada shaqeeyaan Xukuumadda iyo qaadhaan-bixiyeyaasha,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxa kaloo uu tilmaamay in Xukuumaddu ay kala shaqayso Komishanka Doorashooyinka arrimaha khuseeya amniga iyo maalgelinta doorashada oo uu xusay in Xukuumaddu qayb ku leedahay.
“Waxa innaga go’an in doorashadu waqteedii inoogu qabsoonto, kulankanna waxa uu ahaa isxog-wareysi ku saabsan shaqada qabsoontay, shaqada dhiman, halka aynu mareyno, Komishanka doorashooyinkana waan ku hambalyaynayaa dedaalka ay muujiyeen, meel wanaagsan ayaynuna mareynaa oo wax wanaagsan ayaa inoo qabsoomay, wax werwer ahna inooma muuqdaan (saamayn ku yeesha) in doorashada lagu qabto waqtigeedii, dhammaanteena waxa inaga go’an in doorashadu si wanaagsan inoogu qabsoonto xiligeedii.”
“Waxa kale oo aannu qaadhaan-bixiyeyaasha ka wadahadalnay maalgelintii doorashada waxa ay iyagu bixinayaan, waxa dawladda Somaliland bixinayso, waxyaabahaasna kolayba waqti aan fogayn waa la faafin doonaa iyagoo faahfaahsan, go’aanno ayaa la isla qaatay, kolayna culayska ugu badan waxa uu fuuli doonaa Xukuumadda, annaguna diyaay ayaannu u nahay,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post