Muxuu Daarnaa Kulanka Caymiska Caafimaadka?

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Shir lagu gorfeeyay  sidii kor loogu qaadi lahaa Caymiska caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo lagu qabtay Magaalada Hareysa.

Munaasibadii loo sameeyey qabsoomida shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa kasoo qaybgalay xubno ka kala socday Cisbitaalada, Banaanka, hay’ada caalamiga ah Hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee (INGO’s) iyo sidoo kale, xeel-dheerayaal kala duwan.

Waxa kale, oo xusid muddan innay kulanka kasoo qaybgaleen Aqoonyahan, Culimo Awdiin, Shirkaddaha Caymiska, xubno ka socday Jaamacadaha dalka, masuuliyiinta ka socday hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland iyo saraakiil ka socday xukuumadda, kuwaas oo darsay muhiimada uu leeyahay caymiska Caafimaadku, isla markaana sida wakhtigan loogu baahan yahay.

Qaar ka mid ka qaybgalayaasha ayaa madasha kasoo jeediyay hadalo ku suubsan muhiimada guud iyo midka gaar ahaaneed ee uu leeyahay Caymiska Caafimaadku, sidoo kale waxa jiray xubno kala duwan oo qaarkood habka online-ka ah ee maqalka iyo muuqaalka ah kaga soo qaybgalay kulanka.

Hay’adda Private Sectors Partnership in Health ee loo soo gaabo PSPH ayaa kulankan soo agaasintay, isla markaana qabatay.

Waxaanay dhammaan masuuliyiintani hoosta ka xariiqeen sida wakhtigan ay lama huraanka u tahay in helo adeegan Caymiska Caafimaadka oo ah mid si weyn baahi loogu qabo.
Maamulka Mashruuca Private Sectors Partnership in Health PSPH, Axmed-Daad Aden, Agaasimaha hay’ada Caymiska qaranka Somaliland Abdiraxman Muuse, Isu-duwaha Mashruuca Private Sectors Partnership in Health PSPH, Ron Ashkin, Khabiir Caymiska PSPH, ee fadhigiisu yahay Nairobi, Joseph Githinji, Khabiir mashruuca caymiska PSPH, Siddarty Srivastava ee fadhigiisu yahay Switzerland, Khabiir mashruuca caymiska PSPH John Paul ee Kenya, Agaasimaha ururka Bangiyada Somaliland Abdisalan Gaboobe,Maamulaha Shirkadda Wadaag ee Caymiska Saleebaan Cige,Sheekh Faysal oo ka mida gudida fulinka Hay’addaha Caymiska Qaranka Somaliland iyo Axmed oo ah kormeerka h’ayadda caymiska qaranka oo kulankaasi ka hadlay ayaa si isku mida u sheegay muhiimada uu leeyahay caymiska Caafimadku iyo sida wakhtigan loogu baahanyahay.

Hay’adda gaarka loo leeyahay ee caymiska caafimaadka (Private Sectors Partnership in Health) ee loo soo gaabiyo PSPH Somaliland waxay abuurtay  barnaamijka MSD oo diiradda saaraya sidii muwaadiniinta oo ay ku jiraan dadka danyarta ah u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh, kuwaas oo ay awoodi karaan oo qiima jaban.

Jilicsanaanta muddada dheer ka jirtay Soomaaliya waxay keentay nidaamyo iyo dhismayaal daryeel caafimaad oo jajaban oo barbar socda daryeelka ay u baahnaayeen bulshadu oo aannay helin.

Xaashidan xaqiiqadu waxay bixinaysaa dulmar ku saabsan macnaha guud, naqshadaynta barnaamijka iyo faro-gelinta bilowga ah.

Hababka maaliyadeed ee cusub iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee ka faa’iidaysan doona ayaa noqonaya dadka saboolka ah.

Daryeelka caafimaadka gaarka ah ee Soomaaliya waxa lagu maalgeliyaa kharashyada ka baxsan jeebka (OOP). Khatarta culeyska dhaqaale ee saaran dadka saboolka ah ayaa gaar ahaan aad u daran. Soomaali badan ayaa iska dhaafa ama dib-u-dhiga daawaynta sababo la xidhiidha awood la’aanta inay wax bixiyaan.
Suuqa caafimaadku wuu qalloocaa, maadaama ay jirto saldhig cashuureed oo gudaha laga soo saaray oo lagu taageerayo caymiska caafimaadka bulshada, Caymiska caafimaadka gaarka ah ayaa hooseeya, waxaana lagu qiyaasaa kaliya boqolkiiba laba (2%).

Dhinaca kale, caymiska caafimaadka ayaa ku cusub Somaliland, waxaana lagu soo bandhigay Ahmiyada Caymiska Caafimaadka iyo baahiyaha ka jira ee Bulshada, iyadoo si gaar ah loogu gorfeeyay dadka danyarta ah iyo doorka