X

Somaliland: Sheekh Maxamed Ismaaciil Oo Xorriyadiisa Loo Celiyay

Sheekh Maxamed Ismaaciil Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)- Sheekh Maxamed Ismaaciil, oo ka mid ah culimada waaweyn ee geyiga Soomaalidu degto aad looga yaqaan, ayaa laga sii daayay xabsiga, kaddib markii uu Afartii caalanamaal ee u danbeeyay xidhnaa. Sidaana waxa xaqiijiyay ehelada qoyska Sheekh Maxamed uga mahad celiyay cid walba oo ka qayb qaadatay in xorriyadiisa loo celiyo.

Sheekh Maxamed Ismaaciil, waxa sii deyntiisa ka hawlgalay qaar ka  mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland iyo Odayaal, kuwaas oo ay xukuumaddu ka oggolaatay inuu Sheekh Maxamed Ismaaciil dib u helo xorriyadiisa laba maalmood kaddib, markii hay’addaha Amaanku xabsiga dhigeen.

Sheekh Maxamed Ismaaciil oo caan ku ah dabiibka dadka ee sixirka Jinka iyo durooyinka, isla markaana maxaadarooyin diini ah ka baahiya Telefishanada dalka, waxa la xidhay xilli uu kasoo laabtay Magaaladda Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo sida uu sheegay uu hawlo heshiisiin qoys u tegey, balse sida uu sheegay maalin ka hor intii aan la xidhin amar lagu siiyay inuu ka baxo oo deg deg u tago Hargeysa, iyadoo aan loo sheegin sababta sidaana uu kaga soo baxay Magaaladda Ceergaabo, isagoo aan weli dhamayn hawshii Islaaxa ahayd ee uu ka waday Ceergaabo.

AKHRI: Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Sheekh Ka Mid Ah Kuwa Ugu Magaca Dheer Culmida Soomalida Iyo Qoyskiisa Oo Hadlay

Dhinaca kale, Maayarka Magaaladda Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa sababta looga soo saaray Magaaladda Ceergaabo ku tilmaamay mid meel ka dhac iyo khlad weyn ah, isagoo qiray in Sheekh Maxamed Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Cali Biixi ku jireen nabadaynta iyo heshiisiinta khilaaf u dhexeeyey qaar ka mid ah bulshadda gobolka, iyadoo ay in baddan oo ka mid ah Bulshadda Somaliland ka muujiyeen ka xumaadeen xadhiga lagula kacay Sheekh Maxamed Ismaaciil.

 

Sannadkii 2005, Sheekh Maxamed ismaaciil ayaa xabsiga taxaabay, balse waxaa lasoo daayay toddoba sannadood kaddib markii ay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo xukunka la wareegtay May 17, 2011.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post