X
    Categories: Warar

Somaliland: Sheekh Khaliil Oo Sheegay In Maddaarista Quraanku Aanay Qaab Online Ah U Gudbin karin Casharadii

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdiulaahi Axmed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdullaahi Cabdalla , 5 Jan, 2020. Araweelo News Network.

Wuxuu Tallooyin Muhiim ah usoo jeediyay Waalidiinta Caruurta Dhalay iyo Bulshada kale


Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa sheegay in aannay awoodin inay qaab online Maqal iyo Muuqaal ah ugu gudbiyaan Ardayda wax ka baranaysay Maddarasadaha Diiniga ah.


Sheekh Khaliil, wuxuu sheegay in xilligan lagu jiro fasaxa ee Xukuumaddu amartay in la xidho goobaha Wax-barashada dalka, taas oo lagaga hortegayo faafitaanka Caabiqa Covid-19.


Wasiirka oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa usoo jeediyay Waalidiinta Carruurtoodu dhigan jireen Maddaariista Diiniga ah inay dib u eegaan Macallimiinta Ubadkooda, maaddaama oo ay Macallimiinta Maddarasaduhu ka mid yihiin Dadka ugu hooseeya dhinaca dhaqaalaha, isla markaana ay yihiin dad Diinteenna Suubban Ubadka ku barbaarinaya, balse aan dakhli ku filanna helin.


“Macalimiintii quraanka waxaan uga mahad naqayaa siday u qaateen soo jeedintii iyo caruurtii laysu keenayay, iyadoo laga cabsi qabay Coronavirus inuu inoo dhexraaco, markaa waxaan ugu baaqayaa waalidiinta in macalimiintu maadaama ay yihiin kuwa xagga dhaqaalaha ugu liitay Bulshada oo xaaladdana soo waajahaday, sidaa awgeed maadaama ay xaaladdan soo korodhay, iyagoo 19 maalmood wax soo dhigayay oo aan wax mushahar ah qaadan, markaa waxaan ku waaninayaa waalidiintii leeyahay waa in wixii ay soo shaqaysteen la siiyo oo weliba loo wefeeyo.” ayuu yidhi, Sheekh Khaliil.


“Caruurtii Malcaamaddaha iyo madaarista ku jirtay lama hayo qaab Online ah oo waxbarashadii loogu sii wadi karo, sababtoo ah ma hayno Internet, waxaana kala duwan casharadooda, laakiin Wasaaradda waxbarashada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay waxa Ardaydii lagu baraa maqal iyo muuqaal, waxaana la mariyay Telefishanda, balse markaan Macalimiintii Quraanka dhinac walba ka eegnay, waxa cadaatay in Ardayda Madarasadaha aan la hayn qaab wax lagu baro maadaama casharada ay qaadanayaan kala duwan yihiin oo midba meel marayo, sidaa awgeed waa innay Waalidiintu guryaha ugu dhigaan Caruurta si aannay u ilaabin quraankii” ayuu yidhi, Sheekh Khaliil.


Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil, wxuu sheegay inuu ka waraqabo xaaladdaha iyo duruufaha ay sababeen shaqooyinkii oo istaagay, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay Bulshada inay isku duubnaadaan oo lasoo celiyo is taakulayntii iyo miskiin kalkaalkii, isla markaana loo naxariisto dadka jilicsan ee u baahan caawimada.


Sidoo kale, wuxuu Bulshada ugu baaqay inay Allah ka cabsiga badiyaan oo ay Illaahay isku xidhaan, isla markaana akhristaan ducooyinka nabaadiina xidhka, isla markaana la qaato tallooyinka guddida iyo culimada ee ku waajahan ka hor-tagga caabuqa Coronavirus oo ah dhibaato dunida ku baahday, isla markaana Illaahay inagu tusayo awoodiisa iyo inuu maamulo koonka aynu ku noolnahay. sidaa awgeed waa innaynu Illaahay awaamiirtiisa u hoggaansanaa ayuu yidhi, Sheekh Khaliil, wuxuuna Bulshada Somaliland Allah uga baryay in aannu xannuunkaa u keennin oo ka xijaabo umadaha kalena ka duqaado dhibaatada COVID-19 ee dunida ku baahday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post