X
    Categories: Warar

Somaliland Shaqooyin La Shaaciyay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu waxa ay maanta shaacisay in ay qaadanayso 21 qof oo ka shaqayn doona madax-tirinta shaqaalaha dawladda. Iyada oo Hay’addu ku hawlanayd muddooyinkii ugu dambeeyay qorshaynta habka ugu wanaagsan ee loo tirin karo,  isla markaana loo tayayn karo shaqaalaha dawladda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, Arrintan oo noqonaysa bar-bilowga hawlgal balaadhan oo ay hay’addu ku tirinayso,  isla markaana ugu kuur gelayso xogta shaqaalaha dawladda ee dhamaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyada oo Hay’adda Shaqaaluhu og tahay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo xog ururin iyo falanqaynta warbixinta shaqaalaha dawladda, isla markaana daraasad ku samaysay baaxadda tirada shaqaale ee ka hawlgala hay’adda shaqaalaha, aanay caddaatay baahida loo qabo dhalinyaro heer jaacadeed ah oo hay’adda kala shaqeeya hawsha madax-taabashada ee dhamaan gobollada Somaliland iyada oo arrintaasna laga talo geliyay dad khubaro ah oo hay’adda la shaqeeya ayaa Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ay baahinaysaa 21 shaqaale ah oo ay ka soo dhex xulan doonto soo codsadayaasha soo xeraysta in ay hawshan nagala shaqeeyaan muddo kooban.

Haddaba waxa aanu ka codsanaynaa qof kasta oo dhamaystay waxbarashadii heerka jaamacdeed isla markaana danaynaya hawshan iyada ah in ay soo xeraystaan:

1.      Nuqulka Shahaadadii Jaamacadda

2.      Sooyaalkii Nolosha (CV)

3.      Laba Sawir oo Kur ah

Kuwaas oo lagu soo hagaajinayo xafiiska Maamulka Shaqaalaha ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka soo horjeedda dhismaha Deero Mall ee suuqa hoose ama dhinaca ku haysa xarunta ciidanka dabdemiska Somaliland.

Codsiyadu waxa ay xidhmi doonaan maalinta Sabtida ah bishuna tahay 30 December 2017 Marka ay saacaddu tahay 2 duhurnimo.

Kala Saaristu waxa ay noqon doontaa Maalinta Axadda ah

Imtixaankana waxa la geli doontaa maalinta Isniinta ah haddii Rabbi idmo

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post