X
    Categories: Warar

Somaliland: Sarkaal Ka Mid Ahaa Sirdoonka Oo Naftiisa Khaarajiyay

Hargeysa(ANN)Sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Somaliland ee ka hawlgala xarunta gobolka Maroodi-jeex, ayaa ku geeriyooday xarunta ciidanka ee magaalada Haregysa caawa caweyskii, waxyar kadib markii halkaa laga maqlay rasaas.
Sarkaalkaa oo ku geeriyooday rasaasta ka dhacday xarunta gobolka ee Sirdoonka oo aan ka fogayn dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Raaqib oo ahaa Nin dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 30-32 jir.
Ma jiraan warar kasoo baxay Hay’addaha amaanka oo sheegaya sababta geerida marxuumkaa, balse warar shebkadda warar Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo ka ag dhow ayaa sheegay in Marxuumku isku khaarajiyay goobtaa oo ay xiliggaa ku sugnaayeen saraakiisha gobolka ee Sirdoonka iyo Askar ka mid ah kuwa ka hawlgala xaruntaa. kadib rasaas uu la beegsaday naftiisa.
Maydka Marxuumka ayaa la geeyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn wararka sheegaya inuu sarkaalku is toogtay iyo sababta ku kaliftay.
Marxuum Maxamed Axmed Raaqib wuxuu ka mid ahaa dhalinyaro dhawrkii sanadood ee u danbeeyay ku biiray Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isagoo ka mid ahaa dhllinyaro uu xilligii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qoray Taliyihii hore ee sirdoonka MM Nuur Guuto-Liqe.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post