X

Somaliland: Sarkaal Ciidanka Ah Oo Ka Degey Muqdisho

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Taliye ku xigeenkii Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Iidle, ayaa ka degey magaalada Muqdisho ee xarunta u ah Soomaaliya.

 

Lama ogga sababta uu sarkaalkaa oo ku xigeen ka ahaa Ciidanka dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland ugu goostay dhinaca Muqdisho.

Hase yeeshee Taliska ciidanka Dab-damiska, ayaa war kasoo saaray arrintaa, waxayna sheegeen in sarkaalka ku xigeenka ahaa shaqada laga eryay ka hor intii aannu dhanka Muqdisho u boqoolin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Dab damis ka Somliland ayaa lagu sheegay in sababta shaqada looga eryay ay ahayd markii sida ay sheegeen uu kasoo bixi waayay waajibkiisa shaqo, isla markaana ku kacay falal ka dhan ah anshaxa ee uu faafiyay sirta ciidanka.

Qoraalka kasoo baxay ciidanka dab-damiska laguma xusin warar sheegayay in ka hor intii aannu sarkaalkaasi u goosan dhanka Muqdisho uu jiray khilaaf u dhexeeyay isaga iyo Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Iyo Khataraha kale ka Badbaadiya Bulshada Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, taas oo sababtay inuu dhanka Muqdisho u goosto.

Qoraalka kasoo baxay dab-damiska laguma xusin taariikhda laga caydhiyay shaqada Taliye ku xigeenka, waxa keliya oo lagu sheegay in shaqada laga eryay sababo dhawr oo ay sheegeen in ay ka mdi ahayd jaran-jaro dhaaf, aflagaado iyo eedaymao kale.

Qoraalka kasoo baxay Taliska oo ku taariikhaysan 7 jan 2021, ayaa u dhignaa sidan:-

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post