X

Somaliland Saraal Xukuumadda Ah Oo Lagu Dilay Laascaanood

Araweelo News Network.

Laascaanood(ANN)-Sarkaal ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ahaa Isuduwaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool, Maxamed Cabdullaahi Daarood oo ku magac dheeraa (Jeeri), ayaa lagu dilay cawayskii xalay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Allah haw naxariistee sarkaalka la dilay ayaa la ogayn sababta dilkiisa iyo cidda ka danbaysay, mana jiro wax war oo la xidhiidha dilkaa oo kasoo baxay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo laamaha amaanka.

Sarkaalka, ayaa lagu dilay goob suuq ah duleedka Huteelka Power House oo aan ka fogayn wadada Laamiga ah ee marta badhtamaha magaaladda Laascood, sida ay shebekaddaha wararka ee Araweelo News Network u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Goobta dilku ka dhacay waxa xilligaa ka hor qadar koobban marayay masuuliyiinta gobolka oo la kulmayay dadka, kuwaas oo dadka wax ka weydiinayay arrimaha amniga sida ay shebekaddaha Araweelo News Network u sheegeen dadka deegaanku, balse dilka sarkaalka ayaa dhacay markaa kaddib, waxaana lala beegsaday dhawr xabadood oo lagala eegtay maddaxa xilli uu maray halkaa fiid-cawayski, iyadoo ay goobta ka carrareen ciddii dilka geysatay.

Maxamed Cabdullaahi Daarood oo ku magac dheeraa (Jeeri), waxay dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadku jecelyahay, isla markaana ka mdi ahaa dhalinyarada ugu fir-fircoon gobolka, waxayna ku tilmaameen geeridiisa mid naxdin iyo murrugo ah.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa caan ka noqday magaalada Laascaanood ku dhowaad tobbankii sannadood ee u danbeeyay, kuwaas oo muddooyinkan ka nasatay, iyadoo aan shirqoolada dilalka inta baddan kusoo noq noqda Laascaanood ee lala beegsado saraakiisha dawladda Somaliland iyo haldoorka Bulshada meel la saarin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post