X

Somaliland: Safarka Madaxweynaha Ee Dalka Imaaraadka Iyo Dareenka Ku Xeeran

 

Xubnaha Ku Weheliya Safarka Madaxweynaha Ee Dalka Imaaraadka UAE  

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ka anbabaxay dalka isagoo usii jeeda dalka Imaaraadka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan oo diyaarad khaas ah ka raacay barqadii saaka soonka Diyaaraddaha ee Hargeysa wax faah-faahin ah lagama bixin ujeeddada safarkiisa oo noqonaya kii ugu horreeyay ee uu dalka kaga baxay.
Hase yeeshee waxa jira warar sheegaya in Madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka kulamo la yeelanayo masuuliyiinta Imaaraadka (UAE) iyo weliba Saraakiil ka socota dalka Maraykanka, wallow aannay Shabakaddaha Araweelo News Network xaqiijin karin wararka sidaa sheegaya.

Balse  sida ku sheegay qoraal saxaafadeed koobban Xuseen Aadan Cige (Dayr)  ayaa xusay   in Madaxweynuhu diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet ka raacay Egal International Airport ee Hargeysa.

Safarka Madaxweynaha Qaranka Somaliland a noqonaya safarkii ugu horreeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xil la wareegay, wuxuu sheegay in ay ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha dibadda , Wasiirka Madaxtooyadda , Wasiirka Maaliyadda iyo Horrumarinta dhaqaallaha , Taliyaha Sirdoonka , La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaallaha , Madaxa xafiiska madaxweynaha Iyo Hawl wadeeno kale .
Sidoo kale safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey marwada koowaad ee Qaranka Marwo Farduus Maxamed Rooble. Sida uu Afahayeenku ku sheegay qoraal koobban.

“Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka carabta muddo saddex cisho ah iyo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabka kalana hadli doonan arrimo mudnaan u leh labada dawladood iyo labada shacab.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in
Muddada uu Madaxweynuhu booqashada ku joogo dalka Imaraadka Carabta kulan la yeelan doono jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta , balse Afhayeenku ma kuma xusin war-saxaafadeedka marka laga yimaado madaxda dalka Imaaraadka iyo innay jirto cid kale oo uu la kulamayo marka laga reebo masuuliyiinta aannu xusin ee UAE.

Dhinaca kale, marka la eego xubnaha wefdiga, waxa muuqata in Madaxweynaha safarkiisa aannay ka madhnayn Arrimo dhaqaale iyo mashaariic aan la ogayn dhanka ay ka imanayaan iyo nooca ay yihiin. Waxayna booqashadiisu kusoo beegantay iyadoo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaa Cirro waajahayso dhaqaale xumo iyo duruufo siyaasaseed oo ay ku jiraan collaado, kuwaas oo ay ka dhaxashay xukuumaddii ay xilka kala wareegtay ee Madaxweyne Biixi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post