X

#Somaliland: Saddexda Xisbi Oo Ku Heshiiyay Dhawr Qodob

 

Guddoomiyaha UCID Faysal  Oo Ka Hadlay Arrimaha Laga Heshiiyay

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo maalmahan kulamo uga socdeen Hargeysa, ayaa isla qaatay dhawr qodob oo muhiim ah.

Kulankii u danbeeyay ee saddexda Xisbi Qaran ee Somalilland KULMIYE, UCID iyo WADDANI , waxay kulanka kaddib shaaciyeen in laysla qaatay saddexda qodob oo hordhac u ah natiijada kasoo baxday.

Hoggaamiyayaasha XISBIYADA Somaliland KULMIYE, UCID iyo WADDANI , ayaa ugu danbayntii Natiijadda kulankooda Magaalada Hargeysa ee wadahadaladu uga socdeen kasoo saaray galabta  saddexda qodob, kuwaas oo la xusay in meesha laga saaro wax kasta oo caqabad ku noqon kara Doorashooyinka sanadkan dhacaya .

Sidoo kale, qodobada ayaa la xusay in uu ku jiro in Heshiiskii Ethiopia iyo Somaliland xukuumaddu  Baarlamaanka Horgeyso, si ay waajibkooda Dastuuriga ah uga gutaan, wallow aannu Guddoomiye Faysal oo ka Hadlay xusin qodobkaa oo aannu soo hadal qaadin

Waxa kale oo ay  saddexda xisbi ku heshiiyeen in ay sameeyaan xubno guddi ah oo la shaqaysa guddida Task-Force-ka ee xisbiyada Komminshanka u qaabilsan, isla markaana wixii khilaaf ee yimaada hoos looga wada hadlo oo aan warbaahinta laysu marin.

Kulamada saddexda Xisbi, waxa suurtageliyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Muuqaalkan Ka Daawo Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay natiijadda  kulamada.

Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post