Guddoomiyaha UCID Faysal Oo Ka Hadlay Arrimaha Laga Heshiiyay
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo maalmahan kulamo uga socdeen Hargeysa, ayaa isla qaatay dhawr qodob oo muhiim ah.
Kulankii u danbeeyay ee saddexda Xisbi Qaran ee Somalilland KULMIYE, UCID iyo WADDANI , waxay kulanka kaddib shaaciyeen in laysla qaatay saddexda qodob oo hordhac u ah natiijada kasoo baxday.
Hoggaamiyayaasha XISBIYADA Somaliland KULMIYE, UCID iyo WADDANI , ayaa ugu danbayntii Natiijadda kulankooda Magaalada Hargeysa ee wadahadaladu uga socdeen kasoo saaray galabta saddexda qodob, kuwaas oo la xusay in meesha laga saaro wax kasta oo caqabad ku noqon kara Doorashooyinka sanadkan dhacaya .
Sidoo kale, qodobada ayaa la xusay in uu ku jiro in Heshiiskii Ethiopia iyo Somaliland xukuumaddu Baarlamaanka Horgeyso, si ay waajibkooda Dastuuriga ah uga gutaan, wallow aannu Guddoomiye Faysal oo ka Hadlay xusin qodobkaa oo aannu soo hadal qaadin
Waxa kale oo ay saddexda xisbi ku heshiiyeen in ay sameeyaan xubno guddi ah oo la shaqaysa guddida Task-Force-ka ee xisbiyada Komminshanka u qaabilsan, isla markaana wixii khilaaf ee yimaada hoos looga wada hadlo oo aan warbaahinta laysu marin.
Kulamada saddexda Xisbi, waxa suurtageliyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.
Muuqaalkan Ka Daawo Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay natiijadda kulamada.
https://www.facebook.com/100064041909623/posts/pfbid0EkLvs5YgUq2kK5gVZgNiX1Ps9NUTn2rhA2mYHbJEPgia9SLTzMDTZa2A7gsrYxU2l/
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
info@araweelonews.com