X
    Categories: Warar

Somaliland: Saddex Arday oo ku Haligmay Badda Lughaya

Araweelo News Network

Lughaya(ANN) Saddex Arday oo ku jiray dugsiga sare oo ku yaal tuul ka tirsan Gobolka Salal, ayaa ku geeriyooday badda magaalada Lughaya oo ay u dabaal tageen.

Saddexda arday oo dhinaganayey dugsi sare oo hoy ah oo magaciisu yahay Geb oo dalxiis u tagay magaalada Lughaya, kadibna waxa liqday badda xeebta oo ay doonayeen inay ku dabbaashaan maalintii Arbacada ee toddobaadkan.

Madaxa Wasaaradda Caafimaadka ee Lughaya Mr. Axmed Cabdi Gededi, ayaa xaqiijiyey geerida ardaydan iyo qorshaha markii hore ay u socdeen, “Waa masiibo dhacday, waxay ahaayeen dad arday ah oo mustaqbalka wax ku kordhin lahaa dalka, waxaanay ka mid ahaayeen ardayda dugsiga sare hoyga ah ee Gob oo ku yaal deegaanka la yidhaa Gob hoose oo ka tirsan degmada Lughayaha, halkaas oo ka soo kicitimeen maqribkii shalay (Arbacadii) oo waxay booqasho dalxiis ugu yimaadeen ardayda magaalada Lughaya, ciyaar kubadda cagtana ay la ciyaari lahaayeen,” ayuu yidhi Mr. Geeddi oo khadka telefoonka ugu warramay telefishanka Bulsho TV xalay.

Waxa kaloo uu sheegay in markii ay maqleen warkan naxdinta leh ay gurmad culus galeen, isla markaana ay markiiba soo qaadeen maydadkii saddexda Marxuum si ay u xaqiijiyaan geeridooda, loona aqoonsado.

Allaah ha naxariistee saddex arday ee dhintay oo dhammaantood wiilal da’adoodu labaataneeyo tahay waxa magacyadooda lagu kala sheegay; Cabdinaasir Talan Cali, Muxiyadii Ibraahim Gaboobe iyo Cabdikariin Xasan Cali.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post