X
    Categories: Warar

Somaliland: Roob Mahiigaana Oo Dad Ku Dhintay Hargeysa, Madaxweynaha Iyo Masuuliyiin Kale Oo Ka Hadlay

Madaxweynaha oo kormeerar meelaha roobku khasaaraha gaadhsiiyay ee Xaafadaha Hargeysa, Araweelo News Network, 14 May 2019.

Hargeysa(ANN)-Roob mahiigaana oo caawa maasheeyay magaalada caasimada ah ee Hargeysa, ayaa sababay khasaare dhimasho , isagoo galaaftay inta la xaqiijiyay ugu yaraan 5 qof oo siyaabo kala duwan uu roobku sababay dhimashadooda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan, Wasiirka warfaafinta, Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka hawlaha guud , Cabdirashiid Ducaale Qanmi, Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Badhasaabka Maroodi-jeed iyo Saraakiisha Taliska Booliska, ayaa ka hadlay khasaaraha dadka ku nafwaayay roobka oo si weyn magaalada looga dareemay, isla markaana da’ayay ku dhowaad laba saacadood.

Wasiirka arrimaha guadaha Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in shanta qof ee dhintay lab aka mid ah uu sababay dhimashadooda Laydhka  xiligii uu roobku da’ayay, halka saddexda qof  ee kale oo watay gaadhi uu daad ku qaaday xaafada Dalloodho ee Woqooyiga magaalada Hargeysa, wuxuuna xusay in sagaal qof laga badbaadiyay, kuwaas oo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.

Sidoo kale, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in guryo baddan dhibaato soo gaadhay oo qaarkood Jiingadii uu ka qaaday, isla markaana uu jiro gaadiid khasaare soo gaadhay, wuxuuna  shirkaddaha Laydhka u diray fariin, isagoo sheegay in aanay laydhka u gelin guryaha aan lahayn qaynta kaantariisha marka ay ciladi timaado ee sababta inuu Laydhku baqtiyo, balse wasiirku ma xusin in dadka Laydhku noloshooda galaaftay uu dilay laydhka ku jiray guryohooda iyo in uu dilay laydhka shaarcyada wadooyinka ku yaal oo marar baddan sababa dhimasho marka sidan oo kale roob mahiigaani uga da’o magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo kormeerar meelaha roobku khasaaraha gaadhsiiyay ee Xaafadaha Hargeysa, Araweelo News Network, 14 May 2019.

Maayarka Caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha in marka ay arkaan la xidhiidhaan dawladda Hoose , xarunta dab-damiska iyo saldhigyada ugu dhow, waxayna maamulka dawladda hoose bilaabeen in ay furaan wadooyinka xidhmay ee daadku kusoo rogay ciida, iyadoo gaadiidka Cagaf-cagafta ay banaynayeen wadooyinka muhiimka ah ee daadku kusoo roggay dhagxaanta iyo ciida.

Madaxweynaha oo kormeerar meelaha roobku khasaaraha gaadhsiiyay ee Xaafadaha Hargeysa, Araweelo News Network, 14 May 2019.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday meelaha caawa goobaha khasaaruha ka dhacay iyo guud ahaan waxyeelada magaalada uu roobku gaadhsiiyey,  wuxuuna ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobkaa oo ahaa mid mahiigaan ah, isagoo ka tacsiyeeyay ehelada dadkii ku dhintay roobka.

Wararka rasmiga ah ee khasaaraha roobka, ayaan weli si dhab ah loo xaqiijin, waxaana jira warar sheegayaa khasaare intaa ka baddan inuu roobku sababay, isla markaana uu waxyeelo u geystay guryo xaafadaha dadka danyarta ah, balse weli waxa laalan in wasaaradda arrimaha gudaha , masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa iyo saraakiisha Boolisku soo gudbiyaan warbixin dhamaystiran oo sheegaysa khasaraha dhabta ah ee uu geystay robkaa oo magalada u beddelay dooxyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post