Hargeysa(ANN)-Roob mahiigaana oo caawa maasheeyay magaalada caasimada ah ee Hargeysa, ayaa sababay khasaare dhimasho , isagoo galaaftay inta la xaqiijiyay ugu yaraan 5 qof oo siyaabo kala duwan uu roobku sababay dhimashadooda.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan, Wasiirka warfaafinta, Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka hawlaha guud , Cabdirashiid Ducaale Qanmi, Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Badhasaabka Maroodi-jeed iyo Saraakiisha Taliska Booliska, ayaa ka hadlay khasaaraha dadka ku nafwaayay roobka oo si weyn magaalada looga dareemay, isla markaana da’ayay ku dhowaad laba saacadood.
Wasiirka arrimaha guadaha Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in shanta qof ee dhintay lab aka mid ah uu sababay dhimashadooda Laydhka xiligii uu roobku da’ayay, halka saddexda qof ee kale oo watay gaadhi uu daad ku qaaday xaafada Dalloodho ee Woqooyiga magaalada Hargeysa, wuxuuna xusay in sagaal qof laga badbaadiyay, kuwaas oo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen.
Sidoo kale, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in guryo baddan dhibaato soo gaadhay oo qaarkood Jiingadii uu ka qaaday, isla markaana uu jiro gaadiid khasaare soo gaadhay, wuxuuna shirkaddaha Laydhka u diray fariin, isagoo sheegay in aanay laydhka u gelin guryaha aan lahayn qaynta kaantariisha marka ay ciladi timaado ee sababta inuu Laydhku baqtiyo, balse wasiirku ma xusin in dadka Laydhku noloshooda galaaftay uu dilay laydhka ku jiray guryohooda iyo in uu dilay laydhka shaarcyada wadooyinka ku yaal oo marar baddan sababa dhimasho marka sidan oo kale roob mahiigaani uga da’o magaalada Hargeysa.
Maayarka Caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha in marka ay arkaan la xidhiidhaan dawladda Hoose , xarunta dab-damiska iyo saldhigyada ugu dhow, waxayna maamulka dawladda hoose bilaabeen in ay furaan wadooyinka xidhmay ee daadku kusoo rogay ciida, iyadoo gaadiidka Cagaf-cagafta ay banaynayeen wadooyinka muhiimka ah ee daadku kusoo roggay dhagxaanta iyo ciida.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday meelaha caawa goobaha khasaaruha ka dhacay iyo guud ahaan waxyeelada magaalada uu roobku gaadhsiiyey, wuxuuna ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobkaa oo ahaa mid mahiigaan ah, isagoo ka tacsiyeeyay ehelada dadkii ku dhintay roobka.
Wararka rasmiga ah ee khasaaraha roobka, ayaan weli si dhab ah loo xaqiijin, waxaana jira warar sheegayaa khasaare intaa ka baddan inuu roobku sababay, isla markaana uu waxyeelo u geystay guryo xaafadaha dadka danyarta ah, balse weli waxa laalan in wasaaradda arrimaha gudaha , masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa iyo saraakiisha Boolisku soo gudbiyaan warbixin dhamaystiran oo sheegaysa khasaraha dhabta ah ee uu geystay robkaa oo magalada u beddelay dooxyo.