Araweelo News Network

Badhasaabka Gobolka Daad-Madheedh Dr.  Axmed Naasir Maxamed Xaashi

Badhasaabka Gobolka Daad-Madheedh Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi

Hargeysa(ANN)-Raxmaadka Roobka, ayaa ka curtay deegaamo badan oo Somaliland ah, balse deegamadii ay abaartu ugu darnayd ee dhinaca bariga Somaliland ayaan weli daruuraha roobku ku tixiin.
Maalmihii u danbeeyay waxa gobolada iyo degmooyinka Somaliland laga iclaamiyay salaad roob-doon ah. Kadib markii abaar baahsan oo galaafatay nolosha Malaayiin xoola ah ku dhufatay deegaamada ugu balaadhan ee dalka.
Daruuro iyo cusayb u muuqda inuu cirku godlanayo, ayaa shalay ilaa xalay buux dhaafiyay circa, kuwaas oo rajo iyo yididiilo geliyay bulshada, waxayna daruuraha roobku durba xalay ka curteen deegamo badan oo u badan dhinaca galbeedka Somaliland iyo dhanka Hawda.
Gobolada dhinaca Galbeedka ee Salal iyo Awdal ayaa roobabku ka curteen xalay iyo maanta, balse deegaamada bariga oo ahaa kuwa ugu daran ee Abaarta sadex jirsatay ka taagnayd ayaan weli la sheegin meel ay daruuruhu ku hooreen., “Cirku Waa Oslanyahay, Ilaahayna waxanu ka sugaynaa raxmad khayr qabta, dhinaca casha waxbaan u eegaynaa (Buuralaydka Gubanka), balse inta aan ka warhayno ma jiro roob ka da’ay gobolka Sanaag oo ah meelaha abaartu ugu darnayd” sidaa waxa yidhi Cabdiraxaan Faarax Cali Madoobe oo ah Aqoonyahan saadaasha iyo cimilada wax ka yaqaan oo ku sugan magaalada Ceergaabo ee gobolka Sanaag.
Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) oo ku sugan deegaanka, ayaa sheegay in inta badan deegaanka roobku xalay ilaa maanta ka curtay, isla markaana ay daruuruhu weli hoganayaan.
“Xalay saqdii dhexe ayuu roobku meelo badan oo deegaanka ah ka curtay, mana jiro wax khasaare ah oo uu geystay, Bariisle, Lawyacado, Xariirad Iyo Bond, wuxuu ka da’ay xalay ilaa maanta, markaa roobku ha ku kala badnaadee guud ahaan gobolka wuu wada helay, welina daruurtu way na dul taagan tahay oo raxmada Ilaahay waanu sugaynaa.” Sidaa waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Salal Dr. Axmed Maxamed Xaashi (Axmed Naasir) oo u waramay weriye ka tirsan shebekada Araweelo News network.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Dila Ibraahin Xaaji, ayaa sheegay in deegaankaa oo ay ku sugan yihiin dad xoolo dhaqato ah oo dhinaca bariga kaga hayaamay dhowaan, iyagoo ka cararaya Abaarta uu Roob fiican helay, balse wuxuu ka dayriyay dadkaa oo xoolohoodu jilicsan yihiin in haddii Roobabka iyo raxmaadku sii bataan ay suurta gal tahay in dhibaato soo gaadho.

gudoomiyahadila
“Roob fiican ayaa helay xalay iyo maanta wixii Laamiga Magaalada Woqooyi ka ah, waxaan soo maray galabta deegaamada Dacawaley, Sabawanaag iyo deegamo kale dadka soo guurtada ah inkasta oo aanu roobku wax yeelin xoolohooda, balse dadka iyo xooluhu kuwo xamili kara haddii uu caawa roob kale curto, markaa 25 qoys oo ku sugan halkaa dab ayaan usoo shidnay, dadkaasu xoolo jilicsan ayay wataan waxay u baahan yihiin baco, sababtoo ah haddii roob caawa helo xoolohoodu ma xamilayaan, markaa maamulka gobolka ayaan la hadlay, waxaana u balanay in beri baco loo geeyo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Dila Ibraahin Xaaji.