X

Somaliland: Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Wakiillada Beesha Caalamka Oo Kulmay Xilli Khilaafka Doorashooyinku Sii Socdo

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulan la yeeshay Gollaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada Beesha

Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankaa ayaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi socodka doorashooyinka iyo dedejinta dhaqaalaha farsamo ee saaxiibada caalamka kaga beegan Hannaanka doorashooyinaka oo weli xiisaddo muran ku xeeran yihiin.

Hase yeeshee ra’iisal wasaare Rooble oo guddoominayay kulanka, waxaa lagu soo bandhigay horumarada laga sameeyey hannaanka doorashooyinka uu dalku galay, maadaama la dajiyey habraacyada doorashada Gollaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo muhiimada uu amniga u leeyahay doorashada.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, la isku raacsan yahay, taas oo si nabdoon u dhacda, cid kasta oo tabasho qabtana laga qancin doono , si hannaanka doorashadu u noqdo mid ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu raali ka wada yihiin.

Dhinaca kale, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku boggaadiyey kaalintiisa hoggaamineed ee horseeday horumarka iyo is fahamka ay ku socdaan Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya, sida lagu xusay qoraalka, balse lagu sheegin qaabka loo xalinayo tabashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan doorashada.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post