X

 Somaliland: Rabshado Lagu Bur-burinayo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Oo Ka Dhacay Markii Labaad Hargeysa

Ardayda Dugsiga Salaama Secondary School ee Hargeysa oo rabshado sameeyay Image File Araweelo News Network. 10 March 2021.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Ardayda Dugsiga Salaama oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay ee ugu caansan, ayaa maanta sameeyay rabshado ay ficil ahaan uga sameeyeen Iskuulkooda oo ay ku burbiriyeen agabkii Dugsiga Salaama Secondary School ee Hargeysa.

Cutubyo ka tisan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhay goor danbbe, waxayna kala dareeriyeen Ardaydii, iyagoo markaa kaddib Xabsiga u taxaabay maamulaha Dugsiga Wiilasha ee Salaama iyo sidoo kale maamulka qaybta Hablaha ee dugsigaa.

Rabshadaha lagu bur-burinayo dugsiyada gaarka loo leeyahay, ayaa ah dhacdooyin ku cusub Somaliland, waxaana toddobaadkii hore la bur-buriyay Dugsiga Nuuradiin oo ka mid ah kuwa ugu caan ee gaarka loo leeyahay, iyadoo mar keliya Ardaydii wax ka dhiganaysay si axmaqnimo ah u bur-buriyeen.

Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Ugu Caansan Somaliland Nuuradiin Schools Oo Ka Hadlay Arday Si Axmaqnimo Ah U Burburisay

Balse lama ogga in rabshadaha noocan ah ay yihiin kuwo xidhiidh ka dhexeeyo oo leh qorshayaal intaa dhaafsiisan iyo in ay yihiin kuwo ka dhashay durruufo iyo xaaladdo qarsoon oo leh ujeedooyin siyaasadeed oo la doonayo in lagu bur-buriyo horumarka dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira geyiga Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post