#Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)- Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa jawaabo addag iyo ganaaxyo lacageed ka bixiyay rabshado gacan ka hadal oo ay ku kaceen taageerayaasha WADDANI iyo KULMIYE, kuwaas oo dhaqamo si weyn bulshadu uga jidhiidhicootay ku kacayIsniintii iyo Salaasadii.
Rabshadaha ayaa si weyn u muujiyay dareen cabsiyeed oo dhanka amniga ah oo walaac geliyay doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka qabsoomaan 13 November 20024, waxayna guddida Anshaxa iyo Kormeerka doorashooyinka oo arrimahaa ka hadlay si cad u sheegen in Xisbiyada Waddani iyo Kulmiye ay jabiyeen Xeerka Anshaxa & Hab-dhaqanka Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland, Sidaa awgeed waxay labada Xisbi kusoo rogeen ganaax lacageed.
Dhanka kale, Guddidu waxay soo saareen go’aamo adag oo lagu mamnuucay Ololaha iyo isu-soo-baxyada Xiisbiyada/Ururrada ee ka horeeya maalinta loo cayimay in uu bilaabmo Ololaha rasmiga ah oo ku beegan Sabtida 19 October 2024.
Ciidamada amaanka ayaa dhankooda sheegay inay xabsiga dhigeen kooxo dhalinyaro ah oo dejiyay boodhdhka Xisbiyada, kuwaas oo u muuqday koooxo abaabulan oo ku kacay falal amnidaro oo lid ku ah arrimaha amniga iyo doorashooyinka Somaliland.
Muuqaalkan Ka Daawo

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com