X

Somaliland: Rabshad Ka Dhacday Xabsiga Dhexe Oo Galaafatay Koox Suxufiyiin Ah

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Rabshad ka dhacday xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sababtay dhaawacyo soo gaadhay qaar ka mid ah askarta maxaabiista ilaalisa, waxaana la qamqlayay casar liiqii tacshiirado rasaas ah oo ka dhacay guddaha xabsiga dhexe oo ku yaal badhtamaha Magaaladda Haregysa.

Dhismaha Xabsiga dhexe ee Hargeysa, Image file Araweelo News Network.

Cutubyo ka trsan Ciidanka Asluubta ayaa durbadiiba gaadhay halkaa, waxaana qarad wax-xoogay ah kaddib xaaladda lagu soo celiyay deganaansho.

Wasirika Cadaaladda Saleebaan iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, ayaa markaa kaddib ka hadlay wixii dhacay, waxayna sheegeen in aannay ahayn arrin weyn, balse ay ka dhalatay rabshad ay sameeyeen maxaabiista qaarkood, iyadoo markaa kaddib askarta oo doonay in ay maxaabiista cabatay ka jawaaban ay ka faa’idaysteen koox ay sheegeen in ay ahaayeen rabshad wadayaal.

Hase yeeshee waxay Wasirika iyo Taliyaha Ciidan kaAsluubtu si wadajir ah u sheegeen in aannay dhicin wax khasaare ah, balse ay jiraan dhawr askari oo dhaawacyo fudud soo gaadheen, kuwaas oo kooxda rabshada waday u adegsatay dhagxaan.

Wasiirka iyo Takiyaha, ayaa labaduba sheegay in aannay jirin maxabiis dhaacyo soo gaadheen iyo cid kale oo wax ku noqotay rabshadaa, “waa inaad oggaataan Xabsiyada waxa ku xidhan waa dadkii shacbigooda iyo qarankooda ka gaaly denbiga, Tuugtii, kuwii Dilka geystay, Argagixisadii iyo dadkii denbiyada loo haystay, markaa way ka dhici kraan rabshado, laakiin maaha in ciidddanka shacbigu ka horeeyaan ee waa inay sugaan oo fursad siiyaan si mushkilad loo xaliyo.” Wasirika Cadaaladda Saleebaan ayaa yidhi, sidaa mar uu ka hadlayay xaaladda xabsiga Dhexe ee Hargeysa.

Dhinaca kale, koox suxufiyiin ah ayaa xabsiga loo taxaabay intii ay rabshadu socotay, kuwaas oo muuqaalo uga bahinayay si toos ah agagaarka xabsiga dhexe ee Hargeysa, balse weriyayaasha oo ahaa dhawr iyo tobban, waxa saacado kaddib lasoo daayay oo xiriyadooda loo celiyay laba hablood oo ku jiray, iyadoo ay weli xidhan yihiin suxufiyiintii kale ee dhacdadaa loo xidhay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post