X
    Categories: Warar

Somaliland: Hay’adda Qurbajoogga oo kulan u qabatay xubno ka mid ah Ganacsatada Qurbajoogga ah ee maalgashaday Dalka

Guddoomiyaha Qurbajoogga Somaliland

 

 

Hargeysa(ANN)-Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland , ayaa maanta Lagu qabatay qaarka mid ah ganacsatada qurbajoogga ah ee dalka maalgashaday iyo xirfadleyaal kala duwan oo qurbaha ka soo noqday kulan wadatashi Hudheelka Adams INN ee magaalada Hargeysa.

Ujeedada kulankaas ayaa qayb ka ahayd ka talo-gelinta qurbajoogga qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo isku xidhka bulshada maalgashayaasha qurbajoogga ah taasoo waafaqsan Qorshaha Horumarineed ee Qaranka JSL, sidoo kale xubnaha sida rasmiga ah ugu soo noqday dalka ee jaalliyadaha wadamada kala duwan ka soo noqday taasoo waafaqsan.


“Ujeedada shirkan aan isugu kiin yeedhnay waxa ay daarantahay labada ujeeddo uun oo kala ah, inaan ka wadatashanno sidii aan u samayn lahayn fooramka ganacsatada qurbajoogga “Somaliland Business Forum” iyo ururo (Associatons) aan u samaynno xubnaha jaalliyadaha wadan kasta si ay u fududaato helitaanka iyo ururinta xogtooda iyo isuduwidda hawlaha la xidhiidha ee Hay’adda u xilsaarantahay,” Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL.
Waxa ka hadlay shirka xubno badan oo ka mid ah qurbajoogga maalgashaday ganacsiyada kala duwan ay ka mid yihiin hudheellada iyo dalxiiska, tamarta, warshadaha, waxsoosaarka, adeegyada kala duwan iwm kuwaasoo dhammaantood soo dhaweeyay aas’aaska “Somaliland Diaspora Business Forum,” xoojinta isku xidhnaanshaha, kala faaiidaysiga iyo iskaashiga dhexdooda si heer wadan ah iyo si guudba, sidoo kalena soo bandhigay ganacsiyada ay maalgashadeen iyo caqabadaha kala duwan ee ay kala kulmaan dhinacyada adeeg bixinta hay’adaha dawladda, nidaamka cashuuraha, cududa shaqaale, baananka, daynsiga iyo deeqaha maalgashi, shuruucda dalka, iyo qodobo kaleba.
Fanaaniinta qaranka ayaa iyaguna madasha ku soo bandhigay bandhig faneed ay ka soo qaybgalayaashu aad ugu bogeen oo saabsanaa aafada qabyaaladda, uguna baaqayay qurbajoogga Somaliland inay ka fogaadaan qabyaaladda iyo waxkasta oo dhaawacaya wadajirkooda, isla markaana laba jibbaaraan kaalint waxqabad ee ay dalka ugu jiraan dhinacyada maalgashiga, horumarka dhaqaale, shaqo abuurka, cilmiga iyo dadaalka ictiraaf raadinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.
Gebogebadii kulanka, waxa lagu doortay xubno guddi hawleed ah (Task force) oo kala shaqayn doonaa Hay’adda Qurbajoogga aas’aaska Madasha Ganacsatada Qurbajoogga Somaliland (Establishment of Somaliland Diaspora Business Forum) taasoo noqon doonta madal lagaga hadlo arrimaha khuseeya maalgashiga iyo doorka qurbajoogga, yeelanaysana kulamo seddex biloodle ah (Quarterly Meetings), iyo bandhig sannadeed ballaadhan (Annual Diaspora Business Exhibition) laga bilaabo 2019. Waxa kale oo la xilsaaray xubno metelayay jaalliyadaha wadamo kala duwan oo qurbajoog badani ka soo noqdeen kuwaasoo iyaguna ka qaybqaadan doona qorshe hawleedada Hay’adda ee xagga isku xidhka (Diaspora Network Systems).
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo safarka shaqo ee uu ku marayo gobollada kala duwan ee bariga Somaliland isagoo tilmaamay booqashadaas Madaxweynaha ee gobollada iyo degmooyinka dalku ay waxtar iyo faaiido weyn u leedahay qaranka dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo horumarkaba. “Waxa aan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi safarka uu ku soo wada maray gobollada dalka, isagoo markii horena gobollada galbeed booqday, immikana gobollada bari booqanaya. Waa guul usoo hoyatay qaranka oo waxweyn ka taraysa nabadgelyada iyo difaaca dalka, in Madaxweynuhu booqdo gobollada, ogaado xaaladahooda, oo dadkiisa wada dhagaysto,: Guddoomiyaha Qurbajoogga Somaliland.
Source: Somaliland Diaspora Agency
Tuesday, Nov 27, 2018, Hargeisa, Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post