X
    Categories: Warar

Somaliland Qofkii Afraad Ee U Dhinta Coronavirus iyo Kiisaska Cuddurka Oo Kordhay

Somaliland qof u dhintay Coronavirus oo la saarayo gaadhiga Hargeysa,10 May 2020, Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay kordheen dadka qaba xannuunka Coronavirus ee lagu arkay dalka, isla markaana uu dhintay qofkii Afraad gudaha dalka oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa. sidaana waxa maanta warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo War-bixinta Maalinlaha ee Xanuunka Covid-19 Warbaahinta siinayay, waxa uu sheegay in 11kiis oo cusub laga helay cuddurka Coronavirus, iyadoo kiisaska cusub kordhiyeen tirada, isla markaana ka dhigayaan 34 qof oo ay ku jiraan 11 kiis oo cusub, halka dhimashada uu kusoo kordhay qof maanta xannuunka COVID-19, ugu dhintay magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sidoo kale xusay in qofka dhintay noqonayo qofkii Afraad ee xannuunka ugu dhintay Somaliland, Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka kasoo kabtay ee ka bogsaday yihiin 3 Qof, isagoo dadka la karantiimeeyayna ku sheegay tiradooda 64 Qof.

AKHRI: Coronavirus: Somalialand Tirada Dhimashada Iyo Kiisaska Cusub Oo Kordhay

Xaaladda Coronavirus ee gudaha Somaliland, ayaa korodhay tan iyo markii laga shaqaysiiyay Shaybaadhka ay Somaliland ku caawisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO.

Dhinaca kale, waxa muuqata in aannay weli dadku si fiican u dhaqan-gelin tallaabooyinka iyo digniinaha caafiamadka, wuxuuna Dr, Xergeeye ugu baaqay bulshada in ay raacaan tallooyinka horre loo siiyay si ay uga badbaadaan khatarta.

Ilaa xilligan, waa qofkii sadexaad, ayaa u geeriyooday guddaha Somaliland Coronavirus, kaas oo si weyn ugu faafay dunida, isla markaana dalka ay jaarka yihiin Somaliland sida Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti ay sii kordhayaan marba marka ka danbaysa.

AKHRI: #Somaliland Dhimashada Iyo Korodhka Coronavirus

Coronavirus, oo kasoo faafay dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei, Desember 2019, waxaana xannuunka safmareenka ah ee sadheeyey dunida loo bixiyay COVID-19, tan iyo markii uu kasoo faafay halkaa wuxuu ku baahay dunida oo dhan, isagoo in ka badan 4,095,129, asiibay, isla markaana ay u dhinteen inta la ogyahay, 280,087 halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya, 1,431,202

Sida ay sheegayaan warbixinaha ugu danbeeyay ee lagu diiwaaan geliyay diiwaanka xannuunka COVID-19, May 10, 2020 1 : 33 AM (GMT+3), degelka Worldometer, oo ah Degel tixraac oo bixiya tirinta iyo tirakoobka waqtiga-dhabta ah ee mowduucyada kala duwan, xilligana ah halka ugu weyn ee lagu ururiyo COVID-19, tira uu asiibay ee dunida oo dhan.

Balse waxa xusid mudan in ay tirooyinku saacad saacad isu bedelaayan, isla markaana dalal badan oo dunida ah ay si weyn u waajaheen jaah-wareer, taas oo sababtay in aan lahayn xog dhab ah oo ku saabsan baaxada faafitaanka iyo tirada dhabta ah ee dadka u dhintay xannuunka COVID-19.

Dunida oo dhan ayaa ka qaylinay Fayriska ku faafaya Adduunka, kaas oo isaga gudbay dacalada iyo daafaha dunida, isla markaana kala qoqobay isu socodka aduunka, iyadoo dhinaca kale uu si weyn dhulka ula simay dhaqaalaha aduunka oo gaadhsiiyay khasaare weyn, gaar ahaan dalalkii sheeganayay in ay hormood u yihiin dhaqaalaha aduunka, kuwaas oo ay kow ka yihiin Maraykanka, Dalalka Yurub iyo kuwa Khaliijka ee saliida qaniga ku ahaa, kuwaas oo saamaynta ugu xun uu ku yeeshay Coronavirus.

AKHRI: Fadeexaddo Kasoo Baxay Dawooyin Horre U Fashilmay Oo Maraykanka Loo Isticmaalay Coronavirus Iyo Dooddaha Ka Taagan

Fayriska, ayaan ilaa hada loo helin dowooyin iyo talaal midna, waxayna khuburada Caafimaadka iyo dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu leeyahay ka hor-tag keliya oo ah inaad raacdo tilmaamaha iyo tallooyinka ay bixinayaan dhakhaatiirtu. sida kala fogaanshaha dadka, ilaalinta iyo taxadirka oo mar walba lagu dedeealo.

AKHRI: #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post