X

Somaliland: Qiimaha Lacagta Ee Sicir-bararka Iyo Digniinta Loo Jeediyay Xukuumadda Oo Soo Daabacday Lacag Khatar Ku Ah Doorashooyinka Iyo Amniga Guud Ee Dalka

Murrshaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed cabdullaahi (Cirro)

Waxaan ka digaynaa in lacagtaa oo 35Bilyan ah suuqa lasoo geliyo, Lacagta waxa loosoo Daabacay si Doorashada Loogu Khal-khaliyo, iyadoo durba sicir-bararkii kor u kacay oo qiimaha Maceeshada iyo sarifka, waana denbi qaran” Cabdiraxmaan Cirro Murrashaxa WADDANI.

#Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Somaliland, waxay xilligan u jihaysatay doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan 13 November 2024, oo ah maalinta looo asteeyay in loo dareero doorashooyinka tartanka Madaxtooyadda iyo Ururada siyaasiga ee la doonayo inay kasoo baxaan saddex Xisbi Qaran.

Doorashada Madaxtooyadda waxa ku tartamaya Xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID, kuwaas oo mid walba laba murrashax u taagan yihiin doorashada Madaxtooyadda, iyadoo dhinaca kale saddexda Xisbi ee u tartamaya doorashada Madaxtooyadda, waxay sidoo kale  tartan la gelayaan todoba Urur Siyaasadeed oo tobankooduba ku tartamayaan inay kasoo baxaan saddexda Xisbi Qaran ee Dastuurku jideeyay.

 

Dhaqadhaqaaqa diyaargarawga doorashooyinka oo muddooyinkan ka jiray Somaliland, waxa Guddida Doorashooyinka Qaranku ku koobeen xilliga Ollolaha muddo 23 maalmood ah, kaas oo bilaabmaya 19 October to 10 November 2024, waxaase walaac weyn dhaliyay xaaladda nolloleed ee Bulshada, iyadoo lacagta Somaliland ee shilinku si weyn u qiima dhacday, taas oo taabatay nollosha Bulshada, isla markaana cabashooyinka la xidhiidha arrimaha Sicir bararka ee maceeshada iyo qiimaha lacagta Somaliland uu saamayn ku yeeshay lacagta addag ee dollarka oo ah midda keliya ee lagu sargooyo wax kala iibsiga.

Cabashooyinka isa soo taraya ee hoos u dhaca qiimaha lacagta Somaliland ee saamayeeyay nollashada dhabta ah ee Bulshada ayaa isa soo taraya, iyadoo aannay xukuumaddu wax jawaab ah ka bixin cabashooyinka noocaa ah ee taabtay nollosha Bulshada, isla markaana laga cabsi qabo innay amniga guud ee dalka saamayn ku yeeshaan.

Hase yeeshee waxa arrintan mugdi sii geliyay  markii Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabudullaahi (Cirro), ku eeddeeyay xukuumadda inay xaaladda uga sii daray halkii ay wax ka qaban lahayd, isagoo ka digay in xukuumaddu suuqa soo geliso 350bilyan oo S/l Sh. taas oo u dhiganta 40 milyan us Dollar

“Xukuumadda  oo nafla caari ah, waxay soo daabacday lacag, iyadoo doorashadii ay ka hadhay dhawr iyo labaatan maalmood, lacagta lasoo daabacay waa shan iyo soddon Bilyan oo lacagta Somaliland ah, waxay u dhigantaa $ 40milyan oo dollar, waxaan uga digaynaa in lacagtaa Xukuumadda Bangiga dhexe sii daayan oo suuqa soo geliyaan, lacagtaasi waxay khatar ku tahay amniga iyo doorashooyinka, waxay khatar ku tahay nollosha iyo maceeshada.” ayuu Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in lacagtaa oo la doonayo in lagu khal-khaliyo doorashada aannay suurtagal ahayn in dadka codkooda lagu iibsado, ” Shacbiga Somaliland laguma iibsan karo 40milyan oo dollar, Qof kasta mustaqbalkiisa iyo qaranimadiisa ayaa kala weyn, isbedelka uu doonayo ayaa kala weyn qof walba, waxaan ka digaynaa in lacagtaa suuqa lasoo geliyo, iyadoo durba la sheegayo in sicir-bararkii kor u kacay oo qiimaha sarifka dollarka ee ahaa 9000 uu marayo 12000 S/L shiling. haddii lasoo badiyona way kasii daraysaa.”

Murrashaxa WADDANi, Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in xaalladan ay timi iyadoo xukuumaddu ku guuldaraysatay inay wax ka qabato sicir-bararka ay a daalaa dhaceeyeen Bulshadu muddo toddoba sanandood ah oo qiimaha  maceeshada, Laydhka Shidaalka iyo kirooyinku kor u kaceen oo shacbigu dirqi ku nool yihiin in lacag lacag lasoo daabaco  si loo sameeyo sicir-barar waxay noqonaysaa denbi qaran.| ayuu yidhi.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post