Araweelo News Network
“Waxa aannu taageeraynaa in la kordhiyo arrimaha khuseeya wadahadalka (Somaliland iyo Soomaaliya), halka ay tahay in la aqoonsanaado in arrimaha dhinaca farsamada xoogga la saaro muhiimaddooda”
Warsaxaafadeed ka soo baxay dalalka caalamka ee dhinaca dhaqaalaha ka taageera doorashooyinka Somaliland
Hargeysa(ANN)Dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka, ayaa soo jeediyey in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland ku qabsoomaan muddada loo qorsheeyey oo ah bisha March 2017, iyadoo la raacayo go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah ku amartay in mar la wada qabto labada doorasho bishii August 2015.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay masuuliyiin iyo diblomaasiyiin sare oo ka socday dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha oo ka qaybgalay shirka 9aad ee isu-duwidda mucaawimooyinka heerka sare ee Somaliland oo hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ka socday maalmihii Isniinta iyo Salaasada (6 ilaa 7 June 2016), waxa ay ammaaneen doorashooyinkii kala duwanaa ee ka qabsoomay dalka ilaa sannadkii 2001-kii.
“Waa in aannu wax dib-u-dhac ah ku iman waqtiga doorashooyinka, waxayna doorashooyinku ka jawaabayaan rabitaanka sharciga ah ee dadkiinna. Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay bixiyaan 75% kharashka ku baxaya doorashooyinka Somaliland, kuwaasoo ay ku jiraan mushaharooyinka, laakiin tani waxay dhammaan doontaa kadib dhammaadka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee bisha October (2016).
Sidaa darteed, waxa muhiim ah in laga fikiro habab kale oo lagu maalgeliyo dhaqaalaha hannaanka doorashooyinka, iyadoo ay tahay in dhaqaaluhu ka yimaad dhinaca Somaliland, isla markaana la isla meel dhigo dariiqooyin (mechanisms) lagu soo saarayo dakhli dhaqaale oo ka yimaad gudaha Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed qaadhaan-bixiyeyaashu ka soo saareen furintaankii shirkaas.
Geesta kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, xog-ururin qiyaas ah oo ay samaysay hay’adda UNFPA, waxa lagu ogaaday in heerka wax-akhriska iyo qoraalku (Litercy) aad u sarreeyo degaannada bariga Somaliland, laakiin aasaas ahaan ay ka jirto xasillooni iyo fursado kale oo la xidhiidha dhinaca fursadaha dhaqaalaha.
“Waxa tani muujinaysaa in xasilloonidu qiimo ugu fadhido Somaliland, halka adduunkuna isbeddel ku keenayo baahiyaha Somaliland si loo sii joogteeyo heerka qiimaynta isbarbardhigga faa’iidooyinka gaarka ah ee mustaqbalka oggolaanshaha in maalgalinta dhaqaale ee caalamiga ah noqoto mid la heli karo.”
Waxa kaloo qaadhaan-bixiyeyaashu ka hadleen muhiimaddu uu leeyahay in qorshaha heer qaran ee horumarinta Somaliland uu noqdo mid koobsada ahmiyadaha iyo kala mudnaanshaha (priorities) dhinaca koboca, jiilka dakhli-soo-saarka (revenue generation) iyo shaqooyinka.
“Dib-u-eegista qorshihii hore ee horumarinta heer qaran waxa ay bixinaysaa talo-soo-jeedimo khusaysa qorshaha xiga ee la dejinayo inuu noqdo mid qeexan oo cad (strategic), xaqiiqo ah, la leeyahay, lana maalgeliyo.
• Waxa aannu ku ammaanaynaa xukuumadda sida ay uga shaqaynayso in (qorshaha horumarinta qaranku) noqdo hannaan laga wada-tashado, lana dejiyo Khariidadda Qorshaha Horumarinta Qaranka, kaasoo noqonaya mid horumar samaynaya, waxaannu u baahan yahay in laga qaybgeliyo, laguna daro ganacsiga gaarka loo leeyahay (Private Sector).”
Dhinaca kale, waxa dalalka caalamka ee taageera hannaanka doorashooyinka Somaliland ka hadleen maalgashiga dekedda Berbera iyo heshiiska xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la gashay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
“Dekedda Berbera iyo waddada (corridor) waxa ay leeyihiin muhiimad dhaqaale oo xooggan, iyadoo ay noqon karaan qayb muhiim u ah mustaqbalka Somaliland. Waxa aannu rajaynaynaa in aannu wax badan ka maqli doonno heshiiska dekedda Berbera ee lala galay shirkadda DP World iyo sida ay u dammaanad qaadi karaan inuu noqdo mid si buuxda ugu adeega danaha Somaliland,” ayey yidhaahdeen qaadhaan-bixiyeyaasha ka qaybgalay shirka ka qabsoomay Hargeysa.
Sidoo kale, ergooyinka beesha caalamka ee ka qaybgalay shirka 9aad ee isku-duwidda deeqaha la siiyo Somaliland sheegeen inay soo dhawaynayaan in la sii wado wadahadalka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna yidhaahdeen; “Waxa muhiim ah in arrimaha la xidhiidha horumarku u socdaan si aan muran ku jirin oo ku xidhan habka iskaashiga ah, iyadoo la ogyahay in doorashooyin ku soo socdaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa jira waxyaabo xadidan oo ah aqoonta sare ee khusaysa arrimaha waawayn (bigger Issues).
Sidaa darteed, waxa aannu taageeraynaa in la kordhiyo arrimaha khuseeya wadahadalka (Somaliland iyo Soomaaliya), halka ay tahay in la aqoonsanaado in arrimaha dhinaca farsamada xoogga la saaro muhiimaddooda.”