X

Somaliland: Prof. Siciid Xasan Sheekeeye Oo Ka Hadlay Loollanka Shirguddoonka Iyo Dareenka Ka Dhashay Xeerka Furista Ururada Ee Xilligan

Araweelo News Network.

“Doorashooyinka Laynagu Ammaanay , Waxa  Natiijadoodu ku xidhantahay Loollanka Shirguddoonka”

Hargeysa(ANN)-Prof. Siciid Xasan Sheekeeye oo si dhaw ula socda siyaasada dalka Somaliland, ayaa ka hadlay arrimaha xilligan taagan ee doorashooyinka biya dhacooda , xeerka ay dhowaan gollaha guurtidu ansixiyeen ee furista ururada siyaasada iyo arrimo kale.

 

Wuxuu sharaxaad ka bixiyay saababta xilligan loogu beegay xeerka furista ururada siyaasada, loolanka loogu jiro shirgudoonka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE iyo isbahaysiga labada xisbi ee mucaaradka WADDANI iyo UCID.

Prof. Siciid oo shalay warbaahinta qaarkood kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu ka digay in guushii ka dhalatay doorashada iyo sumcadii ay Somaliland ka heshay aan la majara habaabin, isagoo si cad u sheegay in aduunku indhaha ku hayo qaabka loogu loolamayo shirguddoonka gollaha wakiillada.

“waxaan soo jeedinaaya in aan loolanka loogu jiro shirgudoonka iyo dhaqaalaha lagu bixinayo lagu bedelo wax qabad, maaha in ay xukuumaddu sidaa ugu mashquusho, waxaan leeyahay waa in loo daaya xubnaha la doortay  in ay iyagu is doortaan, maaha in faragelin lagu sameeyo.” Ayuu yidhi.

Prof. Siciid Xasan Sheekeeye, wuxuu ka digay in aan la majarahabaabin isbedelii ay bulshashadu u codaysay, wuxuuna dhinaca kale usoo jeediyay xildhibaanada in aannay  iloobin wixii loo soo doortay, isla markaana annay noqon kuwo niyadjebiya shacbiga soo doortay ee muujiyay isbedelka, wuxuuna sheegay in natiijada doorashada shirguddoonku  noqonay dhammaadka natiijada doorashada Somaliland.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay sababta kaliftay in xilligan la meel mariyo xeerka wax-ka-bedelka iyo kaabista lagu sameeyay ee furista Ururada, kaas oo sida uu sheegay ay su’aalo baddan bulshaddu iska weydiisay , wuxuuna si cad u sheegay khatarta ku geddaaman meel marinta xeerka furista ururada ee xilligan.

Halkan Ka Daawo Prof. Siciid Xasan Sheekeye.

 

 

Published Araweelo News Network. Please share with your friends the news and information provided by the networks Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Like Facebook@AraweeloNews

Instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post