X

Somaliland Oo Xayirtay Safarada Gobollada Dalka Iyo Asbaabta Loo Cuskaday

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland, Naasir Caydiid Maxamed , Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-#Xukuumadda #Somaliland, ayaa soo saartay xyiraad ku waajahan safarada gobollada xilliga lagu jiro munaasibadda#Ciidda #Fitriga ee dunida Islaamka looga dabaaldegayo.

Sidaana waxa warbaahinta dawladda ka sheegtay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland, oo shaacisay xalay in gebi ahaanba la mamnuucay maalmaha munaasibadda Ciidda in safarada dhalinyaradu isaga gooshaan gobollada kala dawan ee dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland, Naasir Caydiid Maxamed oo xilligana ah ku simaha wasiirka wasaaradda, wuxuu ku sababeeyay joojinta safarada gobollada ee la mamnuucay maalmaha ciidda arrimo la xidhidiha ilaalinta ammaanka dhalinyarada Somaliland oo sida uu sheegay  dhibaatooyin naf iyo maalba leh xiliyadan oo kale ka soo gaadhaan safaradaa.

Naasir Caydiid, wuxuu warbaahinta qaranka ka sheegay in masuuliyiinta gobollada dalka iyo laamaha ammaanka ee ku sugan goobaha kaantaroolada lagu wargeliyay in ay tallaabo ka qaadaan dhalinyarada doonaya in ay safari galaan, marka laga reebo kuwa ay la socdaan waalidiintu ee doonaya in ay ka gudbaan kaantaroolada dalka.

Dhinaca kale, Wasiir Naasir Caydiid, wuxuu talaabdaa ay xukuumad ahaan qaadeen ee la xidhidiha amarka lagu joojinaayo dhalinyarada qorshayna in ay socdaalaan ee u gudbaya gobollada kale in ay qayb ka tahay xakamaynta xannuunka Covid 19 iyo dhibaatooyinka ka iman kara dooxyada maadaama lagu jiro xili roobaadkii, sidaa darteedna ay ka dhalan karto halis caafimaad marka dhalinyaradaasi ay isugu yimaadaan meelaha xeebaha ah iyo goobbaha kale ee maalmahan oo kale ay dalxiiska iyo dammaashaadka ugu bixi jireen.

Waalidiinta ayuu usoo jeediyay Wasiir ku xigeenka arrimaha guddaha Somaliland, Naasir Caydiid Maxamed in ay ubadkooda ka warhayaan oo ay la socdaan dhaqdhaqaaqooda iyo  goobaha ay ku sugan yihiin inta lagu jiro maalmaha Ciidda Fitriga, isagoo ka digay in waalidiintu ka digtoonaadaan arrimahaa ka hor inta aannay carruurtoodu waajihin khatar iyo masiibo ka dhalata safarada ay qaarkood dhalinyarada hore u qorshaysteen.

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post