Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-#Xukuumadda #Somaliland, ayaa soo saartay xyiraad ku waajahan safarada gobollada xilliga lagu jiro munaasibadda#Ciidda #Fitriga ee dunida Islaamka looga dabaaldegayo.
Sidaana waxa warbaahinta dawladda ka sheegtay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland, oo shaacisay xalay in gebi ahaanba la mamnuucay maalmaha munaasibadda Ciidda in safarada dhalinyaradu isaga gooshaan gobollada kala dawan ee dalka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland, Naasir Caydiid Maxamed oo xilligana ah ku simaha wasiirka wasaaradda, wuxuu ku sababeeyay joojinta safarada gobollada ee la mamnuucay maalmaha ciidda arrimo la xidhidiha ilaalinta ammaanka dhalinyarada Somaliland oo sida uu sheegay dhibaatooyin naf iyo maalba leh xiliyadan oo kale ka soo gaadhaan safaradaa.
Naasir Caydiid, wuxuu warbaahinta qaranka ka sheegay in masuuliyiinta gobollada dalka iyo laamaha ammaanka ee ku sugan goobaha kaantaroolada lagu wargeliyay in ay tallaabo ka qaadaan dhalinyarada doonaya in ay safari galaan, marka laga reebo kuwa ay la socdaan waalidiintu ee doonaya in ay ka gudbaan kaantaroolada dalka.
Dhinaca kale, Wasiir Naasir Caydiid, wuxuu talaabdaa ay xukuumad ahaan qaadeen ee la xidhidiha amarka lagu joojinaayo dhalinyarada qorshayna in ay socdaalaan ee u gudbaya gobollada kale in ay qayb ka tahay xakamaynta xannuunka Covid 19 iyo dhibaatooyinka ka iman kara dooxyada maadaama lagu jiro xili roobaadkii, sidaa darteedna ay ka dhalan karto halis caafimaad marka dhalinyaradaasi ay isugu yimaadaan meelaha xeebaha ah iyo goobbaha kale ee maalmahan oo kale ay dalxiiska iyo dammaashaadka ugu bixi jireen.
Waalidiinta ayuu usoo jeediyay Wasiir ku xigeenka arrimaha guddaha Somaliland, Naasir Caydiid Maxamed in ay ubadkooda ka warhayaan oo ay la socdaan dhaqdhaqaaqooda iyo goobaha ay ku sugan yihiin inta lagu jiro maalmaha Ciidda Fitriga, isagoo ka digay in waalidiintu ka digtoonaadaan arrimahaa ka hor inta aannay carruurtoodu waajihin khatar iyo masiibo ka dhalata safarada ay qaarkood dhalinyarada hore u qorshaysteen.
Araweelo News Network
info@araweelonews.com