X
    Categories: Warar

#Somaliland Oo Xaqiijisay In Xumadda COVID-19, Lagu Arkay Deegaamo Ay Mareen Dad Xanbaarsanaa Fayriska

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlaya ganacsatada qaadka 5 April 2020, Hargeysa Somaliland, Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)-Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in la hayo deegaamo kala duwan oo galbeedka dalka ah dad lagu arkay xumadda astaamaha lagu garto Covid19, kuwaas oo la ogaaday kadib markii daba gal lagu sameeyey saddex qof oo dhowaan u gudbay dhinaca dalka Djibouti oo sii dhexmaray Somaliland, kuwaas oo kasoo gudbay dhinaca dalka Ethiopia.


Xukuumadda Dalka Djibouti, ayaa dhowaan sheegtay in dadkaa oo dhanak Somaliland ka galay dalkeeda laga helay xumada Caabuqa Coronavirus xilli ay ka gudbayeen xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Djibouti ee Lawyacado.
Hase yeeshee Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta xaqiijisay in meelihii ay sii mareen saddexdaa qof ee gudaha Somaliland, sida Wajaale iyo deegaanka Xariirad lagu arkay xukada Coronavirus, taas oo lagu oggaaday baadhitaanno iyo dabagallo ay samaysay xukuumadda Somaliland.
Sidaana waxa maanta ka sheegay kulan uu la yeeshay Ganacsatada Qaadka dalka keena Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, balse wasiirku ma sheegin tirada dadka xumada lagu arkay inta ay yihiin.
“Waxad ogtihiin in dalalka aynu jaarka nahay uu kordhay Cudurka Coronavirus Saddexdii qof ee markii ay galeen Djibouti laga helay Cudurka, waxaan dib u raacnay meelihii ay soo mareen ee ay seexdeen Wajaale, Boorama, Ceel-gaal, Saylac oo meelaha laga helay Dad xumad leh oo ka mid ah dadkii ay la kulmeen.” ayuu yidhi, Maxamed Kaahin oo gashan Maaskaraha iyo Galoofiska markii uu la hadlayay masuuliyiinta shirkaddaha qaadka.


Wuxuu xusay in ilaa hada ay Somaliland hayso laba kiis oo ah Coranvirus, wuxuuna isagoo daba socda soo jeedintii culimada ee shalay oo ahayd in la joojiyo qaadka iyo diyaarada dalka Ethiopia, balse waxa uu si cad u sheegay in aannay xilligan xukuumadu joojinayn ee qaabkii loo yarayn lahaa ee qaadka, isla markaana loo badbaadin lahaa dadka laga wada shaqeeyo, isagoo bulshadana ugu baaqay inay ilaaliyaan tallooyinka guddida heer qaran ee ka hortaga iyo diyaargarawga Caabuqa COVID-19

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post