X

Somaliland Oo Xabsiga Kasii Deysay Hablo U Xidhnaa Calanka Soomaaliya

Hablaha u xidhnaa Calanka Soomaaliya ee laga soo xidhay Boorama oo lasoo daayay 19 July 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga kasii deysay  koox hablo ah oo muddo ku xidhnaa xabsiga Gebilay, kuwaas oo loo xidhay falal ay ku kaceen munaasibadii 26 June 2021. kaddib markii ay qaateen Calanka Soomaaliya.

Kooxda laga soo daayay xabsiga oo dhammaantood ahaa Hablo ka mid ah dhalinyaro 42 ah oo laga soo xidhay Magaalada Boorama iyadoo aan wax maxkamad ah la geyn muddadii ay xidhnaayeen, waxaase lagu sii daayay cafis uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyay maxaabiista ku xidhan denbiyada fudud, kuwaas oo Madaxweyne Biixi ku cafiyay munaasibada Ciidal Udxa oo ku beegan maalinta beri.

Wasiirka, Caafimaadka Somaliland, Badhasaabka gobolka Awdal, salaadiin, Culimo iyo Dallada Haweenka Nagaad, ayaa hablahaa u gelbiyay dhinaca Magaalada Boorama si ay waalidiintooda ugu wareejiyaan hablahaa oo tiradoodu dhamayd 35 hablood, iyadoo masuuliyiintu sheegeen in wiilashana lasoo deynayo maalmaha ka danbeeyay ciidal Udxa.

Masuuliyiinta ka hadlay halkaa ayaa sheegay in aan loo baahnayn dhibaatooyin abuuraya fadqalalo iyo waxyaabo amniga wax u mdhimaya, waxayna waalidiinta ka hadlay halkaa iyo qaar ka mid ah hablaha lasoo daayay balanqaadeen in aannay dib u dhacayn arrintan oo kale, iyagoo uga mahad celiyay Madaxweynaha cafiska uu u fidiyay.

Halkan Ka Daawo muuqaalka oo dhamystiran.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis ugu fidiyay 279 maxbuus oo ah maxabiista danbiyada fudud galay, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynah.

Wareegtada uu madaxweynuhu cafiska ku fidiyay ayaa lagu sheegay in cafisku aannu wax saamayn ah lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raaadka ciqaabeed ee ka dhalanaya danbiyada ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee xeerka ciqaabta guud, ayaa lagu yidhi, wareegtada.

Halakn Ka Akhri

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post