X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Koox U Dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta

Kooxda Imaaraadka ee Somaliland Xabsiga dhigtay.26 Nov 2019. sawirka waxa leh BBC,


Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsiga dhigtay koox u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaas oo laga qabtay Madaarka Hargeysa xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan halkaa, si ay dalkooda ugu laabtaan.

Kooxda u dhashay dalka Imaaraadka Carbata oo muddo ku sugnaa gudaha Somaliland, isla markaana watay hawlo lagu tilmaamay ugaadhsi, waxay Ciidamada Booliiska Somaliland saaka ka qabteen Madaarka Egal Inaternational Airport , iyagoo donayay inay ka dhoofaan markii ay dhammaysteen hawlihii ay u yimaadeen Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Duur-joogta Naasir Xuseen, ayaa u xaqiijiyay xadhiga kooxdaa, wuxuuna warbaahinta u sheegay in raggaa sharciga la marin doono, wuxuuna intaa raaciyay in kooxdaa oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa deegaanka Saba-wanaag dhinaca Koonfur Bari ee magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ay iska dhigayeen kuwo deegaankaa ka wada mashaariic, balse waxa uu xusay in dadka deegaanku ku war geliyeen wasaarad ahaan in aanay wax mashaariic ah halkaa ka wadin ee ay ku jireen Ugaadhsi duur-joogta ah.

Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka iyo Duur-joogta Somaliland, ma sheegin nooca duur-joogta ee ay ka ugaadhsanayeen iyo in ay siteen markii la qabtay, amma ay dariiq kale mariyeen wixii ay Ugaashadeen.


Sidoo kale, Agaasimaha Deegaanku ma sheegin inay Boolisku soo qabteen, ama la xidhay dadkii kale ee kooxdaa dalka keenay, isla markaana ma cadayn sifaha sharci ee ay dalka kusoo galeen, balse waxa uu sheegay in Maxkamad la horgaynayo Sagaalkaa Nin oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

AKHRI: Xukuumadda Somaliland Oo Qirtay In Ay Xudun U Tahay Ugaadhsiga Sharci-darada Iyo Tahriibta Xayawaanka Dunida Kasii Dabar Go’aya


Maaha markii u horraysay ee Koox ka yimi dalka Imaaraadka, ama dalalka kale ee Carabta lagu eedeeyo inay si sharcidaro ah dalka uga Ugaadhsanayeen, balse marar hore ayay dhacday in sidan oo kale xidho koox sidan oo kale sifo aan sharci ahayn usoo gashay dalka oo hawlo Ugaadhsi duur-joogta ah ku jiray, kuwaas oo intooda badan aan sharciga la hor geyn, balse xukuumaddu sheegto inay dalka ka masaafuriyeen.

AKHRI: Xaalada Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sanaag Oo Laga Dayriyay, Boobka Khayraadka Badda Iyo Beriga Ee Doonyaha Maraakiibta Iyo Diyaaradaha ajaanibka, Doorka Hay’adda UNICEF Iyo Jawaabta Taliyaha Ciidanka Badda Warbixin: by Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland


Deegaamada Somaliland, waxa inta badan yimaado kooxo Carab iyo ajaanib kale ah oo ay keenaan muwaadiniin Somaliland ah, kuwaas oo ujeedooyinkoodu yihiin Ugaadhsi duur-joog iyo macdanta dalka inay gurtaan, isla markaana deegamada ay tagaan dadka loogu sheego, dalxiisayaal, ama hay’addo samafal oo wada mashaariic laga fulindoono deeganka, kuwaas oo inta badan ku guulaysta inay fuliyaan ujeedooyinka ay u yimaadaan, isla markaana baalmara sharciga Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post