X
    Categories: Warar

Somaliland Oo Ugu Baaqday Maamulka Puntland inay Ka Waantoobaan Daan-daansiga, Xilna Iska Saaraan Xoojinta Nabada

Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland. Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ugu baaqday maamulka Puntland inay ka waantoobaan collaadda oo ay ka shaqeeyaan xoojinta nabada, sidaan waxa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhiga golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda, waxa kale oo warbixino lagaga dhegeystay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda, sida lagu sheegay qoraalkaa oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network

Qoraalka, ayaa lagu yidhi,  “Kal-fadhigii 35-aad ee golaha wasiirradda uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/05/2019, warbixin lagaga dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka.

Waxaanu wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka golaha u soo bandhigay tallaabooyinka horumarineed ee ay qaadeen, isagoo ku dheeraaday dhismayaasha iyo dayactirka waddooyinka. Sidoo kalena wuxuu wasiirku sharaxaad ka bixiyey qorshayaasha ay u dejiyeen taxadirka gaadiidka kuwaas oo lagula soconayo badqabka gaadiidka, xadidaaada xawaaraha, culayska gaadiidka iyo qalabka GPRS ee gaadiidka dawladda.

Isagoo xusay inay casriyeeyeen liisanka wadida gaadiidka qaadashadiisana la adkeeyey iyadoo loo marayo imtixaan adag si looga hortago shilalka khasaaraha naf iyo maalba leh ee ku soo noq-noqday.

Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo ka duulaysa ahmiyada weyn ee nabadgelyadu leedahay waxa ka go’an in nabad waarta iyo xasilooni ay ku naaloodaan dalalka geeska afrika, lana dhawro deris wanaaga, balse ay  maamul goboleedka Puntland nabadgelyo daro ka wadaan meelo ka mida gudaha Somaliland.

Haddaba sidii uu hore Madaxweynaha Somaliland, munaasibadii sannad guuradda 28aad ee badax-bannaanida Jamhuuriyadda  Somaliland ee 18 May ku cadeeyey inay nabad buuxda diyaar ula yihiin, marnabana aannay duulaan ku ahayn maamul goboleedka Puntland, waxay mar kale dawladda Somaliland ku celinaysaa in la ilaaliyo nabadgelyada lagana fogaado colaad ka soo cusboonaata halkaas, waxaanan ugu baaqaynaa maamulka Puntland inay ka waantoobaan daan-daansiga, xilna iska saaraan xoojinta nabada.” Ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay gebagebadii shirka golaha Wasiirada Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post