X
    Categories: Warar

Somaliland oo si Ramsi ah Loogu Marti-qaaday Shirka Dhaqaalaha Afrika ee ka Socda Waddanka Ruwandha

Araweelo News Network

Dr.sacad ali shire and Miss Diane Abbott

Kigali(ANN) Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qaybgashay shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha adduunka ee u gaarka ah Afrika (World Economic Forum on Africa), kaasoo si rasmi ah uga furmay magaalada Kigali ee waddanka Rwanda shalay, isla markaana socon doonaa ilaa Jimcaha berri oo taariikhdu tahay 13 May 2016.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa dawladda uga qaybgalaya shirka oo si rasmi ah loogu casuumay, kaas oo ay isugu tageen in ka badan 1,500 ergay oo isugu jira madax, siyaasiyiin, aqoonyahanno, ururro bulsho, ganacsto iyo xeel-dheerayaal dhinaca dhaqaalaha ah oo ka kala yimi daafaha dunida.
Dr. Sacad Cali Shire oo khudbad ka jeediyey shirka maalintiisii kowaad ee uu furmay, waxa uu kaga hadlay dhaqaalaha Somaliland iyo heerarka kala duwan ee uu soo maray, baahiyaha horyaal si uu u sii koro iyo imkaaniyaad fududeyn kara kobaca dhaqaalaha qaaradda Afrika.
Shirkan dhaqaalaha adduunka ee loogu talogalay Afrika, waxa hal-ku-dheg looga dhigay in la isku xidho khayraadka Afrika iyadoo la adeegsannayo habka tiknoolajiga casriga ah, si loo horumariyo kaabayaasha dhaqaale iyo isu-gudubka ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha, taas oo wax ka qaban karta kobaca hooseeya ee dhaqaalaha qaaradda Afrika iyo hannaanka nololeed ee dadkeedu ku sugan yihiin.
Dhawr madaxweyne oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalkiisu martigalinayo shirka ee Rwanda iyo ka Kenya, ayaa iyaguna khudbado ka jeediyey shirka.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post